Shaqsi wajahay Al-Shabaab oo baratan la'aan Senator noqdey

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Qiyaastii sideed sano ka hor, Abdul Haji, oo markaa 38 jir ahaa, ma ahan oo keliya Kenya laakiin shaashadaha aduunka oo idil ayuu kaga soo muuqdey wax dad badan ay ugu yeereen ficillo geesinimo leh, kadib markii la sawiray isagoo soo badbaadinayo haween iyo rag aan waxba galabsan oo ku sugnaa Westgate Mall, halkaas oo ay Al-Shabaab weerartay.

Isaga oo ku hubaysan qorigiisa, Xaaji, oo aabihiis Yuusuf Xaaji uu markaa ahaa senator-ka Gaarisa, ayaa la sawiray isaga oo badbaadinaya daraasiin dad ah, laakiin waa muuqaalada qabsaday isaga oo badbaadinaya caruur iyo haween taasoo ku dartay khariiradaha caalamka, xataa wuxuu gaarey heer Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu siiyo Bilad heer Qaran ah.

In kasta oo Xaaji uu magaciis hooseeyay tan iyo waqtigaas, oo uu ka sareeyay aabihii caanka ahaa, Yuusuf Xaaji, oo dhintay bishii Febraayo ee sanadkan 2020, iyo walaalkiis ka weyn Noordin Haji, oo ah Agaasimaha Xeer-ilaalinta Guud ee Jamhuuriyadda Kenya, Abdul ayaa wuxuu u muuqdaa hadda si weyn uga soo muuqan doona siyaasadda Kenya.

Shalay, Abdul wuxuu ansixiyey Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha [IEBC] inuu noqdo Senator-ka labaad ee Gaarisa, markii la doortay isaga oo aan cidna la tartamin, kadib meelmarinta axsaab siyaasadeed iyo is afgarad dhex maray odayaasha dhaqanka. Qorshaha wuxuu yahay in uu dhaariyo Afhayeenka Senate-ka, Kenneth Lusaka.

Aabihiis, Senator Haji, oo madax ka ahaa mashruuca BBI ee mideeyay Uhuru iyo mucaaradkiisa dhanka siyaasadda Raila Odinga, ayaa dhintay kadib markii uu xaalad caafimaad la daalaadhacayey bilo badan. Guddoomiye gobol ayuu noqdey kahor inta uusan siyaasada kusoo biirin 1997.

"Ka hor inta uusan miyir beelin, wuxuu rabay inaan u yeerno Afhayeenka Guurtida si uu isu casilo maxaa yeelay wuxuu yiri waa xaaraam (sharci daro) in mushahar la qaato isagoo aan awoodin inuu u shaqeeyo dadka Gaarisa," ayuu Abdul ugu sheegay dadka soo doortey wareysigii ugu dambeeyay.

Sidda uu ka dhawaajiyey wiilkiisa, Mzee Haji ayaa sidoo kale doonayey in mushaarkiisa lixdii bilood ee ugu dambeysay uu siiyo carruurta nugul.

Qoyskiisu uxuu balanqaadey inay fulinayaan rabitaanka aabahood iyagoo uqaybinaya lacagta caruurta u baahan ee lixda gobal ee Gaarisa.

Weerarkii Al-Shabaab ay 2013 ku ekeysayWestgate Mall galabnimadii waxaa ku dhintey daraasiin dad ah, balse halyeeynimadda Abdul Haji waxaa soo bandhigey warbaahinta caalamka.

Wuxuu mar u sheegay Jariiradda afka dheer ee The Guardian in uu "dhex-soconayey xarunta anigoo aan ka walwalin in lay toogto".

Al-Shabaab ayaa khatar amni waxay ku haysaa gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya. Balse doorashadiisii doorka senator-ka waxay u muuqataa mid siin kartaa yididiilo cusub baacsiga ururka. Wuxuu shaqeyn doonaa inta ka harsan xilheyntiisa ka hor doorashooyinka loo balansan yahay August, 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM