Soomaali kamid ah muhaajiriin ku dhimatay doon ku degtay Madagascar

Image
Labada doonyood ayaa siday guud ahaan 70 rakaab ah, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay kadib markii labo doonyood oo ay la socdeen dad u badan Soomaali ay ku dagtay xeebaha Madagascar, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay socdaan dadaallo lagu xaqiijinayo in dadkii badbaaday ay si nabad ah ku soo laabteen. Labada doonyood ayaa siday guud ahaan 70 rakaab ah.

Maraakiibta ayaa laga helay meel ka baxsan xeebta waqooyi ee Madagaskar maalintii sabtida ee badweynta Hindiya. Waxaa la rumeysan yahay in matooradoodu ay xumaadeen.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dad ka badbaaday ay soo badbaadiyeen kalluumeysato.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in ay isku dayayeen in ay gaaraan jasiiradda Mayotte ee dalka Faransiiska, oo ah waddo caadi ah balse halis ah oo ay maraan muhaajiriinta Soomaalida ah ee magangelyo doonka ah.

Shaqo la’aanta iyo faqriga ka jira Geeska Afrika ayaa ku qasbaya dhallinyaro badan inay qaadaan dariiqa halista ah ee ay ku gaari karaan Yurub iyagoo rajo ka qaba inay helaan nolol wanaagsan.

Maamulka Madagascan ayaa ka digay "khatarta ba'an ee la xiriirta socdaalka sharci darrada ah" iyagoo soo jeedinaya dhibanayaasha musiibada inay ahaayeen muhaajiriin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM