Soomaali kamid ah muhaajiriin ku dhimatay doon ku degtay Madagascar

Image
Labada doonyood ayaa siday guud ahaan 70 rakaab ah, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay kadib markii labo doonyood oo ay la socdeen dad u badan Soomaali ay ku dagtay xeebaha Madagascar, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay socdaan dadaallo lagu xaqiijinayo in dadkii badbaaday ay si nabad ah ku soo laabteen. Labada doonyood ayaa siday guud ahaan 70 rakaab ah.

Maraakiibta ayaa laga helay meel ka baxsan xeebta waqooyi ee Madagaskar maalintii sabtida ee badweynta Hindiya. Waxaa la rumeysan yahay in matooradoodu ay xumaadeen.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dad ka badbaaday ay soo badbaadiyeen kalluumeysato.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in ay isku dayayeen in ay gaaraan jasiiradda Mayotte ee dalka Faransiiska, oo ah waddo caadi ah balse halis ah oo ay maraan muhaajiriinta Soomaalida ah ee magangelyo doonka ah.

Shaqo la’aanta iyo faqriga ka jira Geeska Afrika ayaa ku qasbaya dhallinyaro badan inay qaadaan dariiqa halista ah ee ay ku gaari karaan Yurub iyagoo rajo ka qaba inay helaan nolol wanaagsan.

Maamulka Madagascan ayaa ka digay "khatarta ba'an ee la xiriirta socdaalka sharci darrada ah" iyagoo soo jeedinaya dhibanayaasha musiibada inay ahaayeen muhaajiriin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM