Soomaali lagu dilay weerar ka dhacay dadka Kenya iyo Uganda

Image
Dadka la laayay oo dhamaantood ahaa dhalinyaro wax ku baranaysay dalalka Uganda iyo Kenya.

NAIROBI, Kenya - Saddex qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay 7 kalena waa lagu dhaawacay weerar xooggan oo ka dhacay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Uganda, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Dadka la laayay oo dhamaantood ahaa dhalinyaro wax ku baranaysay dalalka Uganda iyo Kenya ayaa waxaa weeraray dad careysan oo watay seefo iyo ulo.

Weerarkan ayaa dhacay Jimcihii la soo dhaafay markii dhibanayaasha oo gaari yar ka soo ambabaxay magaalada Nairobi kuna sii jeeday magaalada Kampala ee dalka Uganda, ay waayeen meel ay maraan, kadibna ay ku dhamaadeen tuulo.

Dadka deegaanka oo ku hubeysnaa seefo iyo budad, ayaa dhalinyarada kala baxay gaarigii ay wateen, kadibna ay la dhaceen, sida uu sheegay mid ka mid ah ehelada marxuumka.

Darawalkii ayaa istaagay si uu u weydiiyo tilmaamaha markii dadka deegaanka ay weerareen, ehelladooda ayaa sheegay.

Weerarkan ayaa cabsi weyn ku abuuray dadka Soomaaliyeed ee isaga kala goosha labada dal, waxaana uu sababay in la joojiyo gaadiidkii ay Soomaalida isaga kala gooshi jireen dalalka Uganda iyo Kenya.

Qoysaska dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay cadaaladda u raadiso eheladooda oo ay sheegeen in si xaqdarro ah loogu dilay laguna dhaawacay xilli ay safar ku jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM