South Sudan: Tobban qof oo ku dhimatay shil diyaaradeed

Image

JUBBA, South Sudan – Dhowr qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta Suudaan, sidda uu shaaciyey agaasimaha garoonka diyaaradaha Juba oo qoraal soo saaray gelinkii dambe ee Talaadada soona xigatay wakaaladda Anadolu Agency.

Dhanka kale, South Sudan News Now, oo ah wargeys maxalli ah, ayaa wariyay in diyaaradda ay ku dhacday Jonglei ee Gobolka Uror dhowr daqiiqo ka dib markii ay u ambabaxday magaalada Jubba oo ay ka duushay garoonka diyaaradaha Pieri, oo ku yaal woqooyiga caasimadda, iyadoo dhammaan sideedii rakaab iyo labadii duuliye ee diyaaradda saarnaa ay dhinteen.

Diyaaradda ayaa ku dhacday duleedka gobolka Pieri Payam 5-tii galabnimo. waqtiga maxalliga ah (7 pm GMT), ayuu ku daray wargaysku.
Diyaaradda ayaa ah nooca ganacsiga oo ay maamusho South Sudan Supreme Airlines, sidda laga soo xigtay ilo deegaanka ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in aqoonsiyada rakaabka ku nafwaayey shilkaas wali la baarayo.

Tani waa dhacdadii labaad ee noocan oo kale ah oo ay ku lug-yeeshaan diyaaradaha ay maamusho shirkaddan diyaaradeed.

Midkii ugu horreeyay waxay dhacday sanadkii 2017-kii kadib markii diyaarad ay leedahay shirkadda South Supreme Airlines oo uu dab qabsaday oo ay gashay shil, hasa ahaatee, nasiib wanaag ma jirin wax dhimasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM