Sudan: Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda

Image

Khartuum — Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada Suudaan ay Khamiista maanta "dhinacyo badan" ka weerareen bartamaha magaalada Khartoum, ayagoo ku dhowaaday Qasriga Madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada gurmadka deg degga ah (RSF).

Ciidanka xoogga dalka, oo dagaal kula jiray ciidamada RSF ah tan iyo April 2023, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay qaaday weerar xooggan oo ay ku doonayaan inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta caasimadda.

"Ciidamadeennu waxay ku dhow yihiin inay gaaraan bartamaha Khartoum... ayna ka saaraan maleeshiyada Dagalo," ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka oo la hadlay AFP, isagoo tixraacaya taliyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo.

"Ciidamadeenna gaashaaman ayaa ka soo socda dhinacyo badan," ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta.

Arbacadii, militariga ayaa sheegay inay "ka sifeeyeen" xaafadaha al-Remila iyo Aagga Warshadaha ee bartamaha Khartoum – kuwaasoo saddex kiiloomitir (1.9 mayl) u jira Qasriga Jamhuuriga oo ay haystaan ciidamada RSF.

Laakiin, goobjoogayaal ayaa Khamiista maanta ah sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku qasbanaadeen inay dhex maraan dableyda wax toogata ee RSF oo ku sugnaa dhismayaasha dhaadheer ee ahaan jiray degmo ganacsi iyo mid dowladeed oo ku yaalla Khartoum.

Ciidamada RSF ayaan ka jawaabin codsi ay AFP u dirtay si ay uga hadlaan arrintan.

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF ay ka dhaceen agagaarka buundada Soba – oo ah marin muhiim ah oo laga soo galo caasimadda dhinaca koonfur-bari.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo xoogaystay caasimadda, iyagoo jebiyay go’doomin ku dhow labo sano ah oo ay ciidamada RSF ku hayeen xarumahooda, waxaanay ciidamada RSF ku riixeen cirifyada Waqooyiga Khartoum, oo sidoo kale loo yaqaano Bahri.

Horumarka ay ciidamada militariga ka sameeyeen caasimadda ayaa ah guushii ugu weynayd muddo sannad gudihiis ah, tan iyo markii ay dib u qabsadeen Omdurman oo ku taalla dhinaca kale ee webiga Nile, taasoo, ay weheliso Waqooyiga Khartoum iyo bartamaha magaalada oo dhammaantood ka mid aagga ballaaran Khartoum-ta weyn.

Tan iyo markii uu qarxay, dagaalku wuxuu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan oo qof, isagoo dalka ku riixay qarka macluul.

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM