Sudan: Kummanaan qof oo dagaalka ku barokacay oo guryohoodii dib ugu laabtay

Image

In ka badan 55,000 oo Suudaaniyiin ah oo gudaha dalkaasi ku barokacay ayaa dib ugu laabtay degaannada ku yaalla koonfurta bari ee gobolka Sennar, ka dib in ka badan bil ay ciidamadu gacanta ku hayeen halkaasi oo ay kala wareegeen fallaagada hubeysan, sida uu Sabtida maanta ah sheegay Ururka Socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegay in kooxaheedii goobta joogay "ay kormeereen dib u laabashada" dad lagu qiyaasay 55,466 barokacayaal ah oo ku soo laabtay guud ahaan gobolka Sennar" intii u dhaxaysay 18-kii Disembar 18 iyo 10-kii Janaayo.

Laakin QM ayaa sheegtay in 21 bilood oo dagaal ah uu ka socday dalkaasi uu abuuray qalalaasihii barakac ee ugu xumaa dunida kaasi oo guryahooda ka ceyriyay dadka ka badan 12 milyan oo qof.

Macaluul ayaa looga dhawaaqay qaybo ka mid ah Sudan, laakiin khatarta ayaa ku sii fidaysa malaayiin qof oo kale, oo ay ku jiraan aagagga waqooyiga Sennar, sida lagu ogaaday qiimeyn ay Qaramada Midoobay taageertay oo la shaaciyay bishii hore.

Bishii November, ciidanka Suudaan, oo tan iyo bsihii April ee 2023-kii la dagaallamaya Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee (RSF) ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta Sinja, oo ah caasimadda gobolka Sennar oo muhiim u ah isku xirka deegaannada ay ciidamadu ka taliyaan ee bartamaha iyo bariga Suudaan.

AFP

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM