Sudan: Malleeshiyadda RSF oo 460 qof oo rayid ah ku dishay isbitaalka magaalada El-Fasher

Image

Khartuum / El-Fasher – Malleeshiyaadka Rapid Support Forces (RSF) ayaa lagu eedeeyay inay boqolaal qof rayid ah ku dileen Isbitaalka Sucuudiga ee magaalada El-Fasher, maalmo kadib markii ay la wareegeen magaaladaas oo ahayd tii ugu dambeysay ee ay ciidanka dowladda Suudaan ku xoogganaayeen gobolka Darfur, sida uu sheegay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Tedros ayaa sheegay in hay’addiisa ay tahay “mid argagax iyo murugo weyn ku qabtay” dilalka lagu sheegay in lagu laayay 460 qof oo ku sugnaa isbitaalka.

Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan (Sudan Doctors’ Network) ayaa hore u sheegtay in dagaalyahannada RSF ay “si naxariis-darro ah u dileen dhammaan dadka ay gudaha isbitaalka ka heleen,” oo ay ku jiraan bukaannada, ehelkooda, iyo shaqaalaha caafimaadka. Shabakadda ma aysan sheegin tirada khasaaraha, balse waxay ku tilmaantay goobaha caafimaadka ee magaalada “goobo lagu xasuuqo dadka.”

Warbixintu waxay intaas ku dartay in RSF ay afduubtay lix shaqaale caafimaad ah – afar dhakhtar, farmashiiste, iyo kalkaaliso – iyagoo reportedly ku dalbaday magdhow ka badan $150,000 si loo sii daayo.

Kooxda Dagaal-diidka ee El-Fasher (El-Fasher Resistance Committee) ayaa iyaduna xaqiijisay weerarka Isbitaalka Sucuudiga, waxayna sheegtay in “xasuuqaas uu ku dhammaaday aamusanida naxdinta leh” ee magaalada.

El-Fasher waxay ahayd qalcaddii ugu dambeysay ee ciidanka dowladda Suudaan ee gobolka Darfur, balse RSF ayaa si buuxda ula wareegtay Axaddii hore, kadib 18 bilood oo go’doon iyo duqeyn culus ah.

Tan iyo markii uu dagaalka Suudaan qarxay bishii Abriil 2023, RSF iyo maleeshiyaadka Carabta ee xulafada la ah ayaa lagu eedeeyay inay si gaar ah u beegsadaan qoomiyadaha aan Carabta ahayn ee Darfur, eedeymo ay RSF si adag u diiday.

Markii magaalada El-Fasher ay gacanta u gashay RSF, Qaramada Midoobay, ururrada gargaarka iyo kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda in ka badan 250,000 qof oo wali ku go’doonsan magaalada, badankoodna ka soo jeeda bulshooyinka aan Carabta ahayn.

Isgaarsiinta oo go’an iyo cabsida dagaal oo sii xoogeysanaysa ayaa adkaysay in la xaqiijiyo tirada dhabta ah ee dadka la dilay iyo xaaladda gudaha magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM