Sudan oo Gubanaysa, Masar iyo Eritrea oo Xoojinaya Iskaashiga Geeska Afrika

Image

Qaahira - Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisu si weyn u qiimeeyo xiriirka istaraatiijiga ah ee uu la leeyahay dalka Eritrea, isla markaana uu si buuxda u taageerayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalkaas.

Sisi ayaa hadalkan ka sheegay kulankii uu la yeeshay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, oo booqasho ku tagay Qaahira. Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea, Osman Saleh, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Masar, Maxamed El-Shennawy.

Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay doonistiisa ah in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan kuwa dhaqaalaha iyo maalgelinta, si loo taageero dadaallada uu Afwerki ku horumarinayo geeddi-socodka horumarinta qaranka Eritrea.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in labada madaxweyne ay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladda gobolka, iyadoo Sisi uu mar kale adkeeyay in Masar ay weligeed garab taagan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Eritrea.

Dhankiisa, Madaxweyne Afwerki ayaa amaanay kaalinta uu Madaxweyne Sisi ka ciyaaray xasilinta iyo horumarinta Geeska Afrika iyo Bariga Afrika, isagoo tilmaamay in Eritrea ay rajaynayso inay kobciso iskaashiga dhaqaale iyo isu-duwidda arrimaha gobolka iyo caalamka ee danaha wadaagga ah.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wadahadlay xaaladda dagaalka ka socda Suudaan, iyagoo isku raacay muhiimadda ay leedahay in la taageero hay’adaha qaranka Suudaan, gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee dalkaas, isla markaana ay diideen isku day kasta oo lagu dhisayo hay’ado kale oo dhinac socda.

Sida ay sheegeen saraakiisha labada dal, kulanka Qaahira wuxuu calaamad u yahay xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Masar iyo Eritrea, xilli Geeska Afrika uu wajahayo xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo kacsan.

— GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM