Sudan: RSF ay weerar ku qaadey saldhig ciidan iyo garoonka diyaaradaha ee Port Sudan

Image

Port Sudan – Ciidanka qalabka sida ee Sudan ayaa sheegay in ciidamada garabka ah ee RSF ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan iyo xarumo kale oo ku dhow garoonka diyaaradaha Port Sudan, taasoo noqonaysa weerarkii ugu horreeyay ee magaaladaas bariga ku taalla.

Afhayeenka ciidamada Sudan, Nabil Abdullah, ayaa sheegay Axaddii in RSF ay beegsadeen saldhigga cirka ee Osman Digna, bakhaar lagu keydiyo alaabaha ganacsiga iyo qaar kamid ah xarumaha rayidka ah, iyaga oo isticmaalaya diyaarado is-miidaamin ah (suicide drones).

Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in burbur gaaray bakhaar lagu keydiyo hub, kadib markii ay diyaaradaha daroonku ku dhaceen.

RSF wali kama aysan hadlin weerarkan.

Weriyaha Al Jazeera ee fadhigeedu yahay Khartuum, Hiba Morgan, ayaa sheegtay in garoomada diyaaradaha rayidka iyo kuwa militari ee Port Sudan ay ku yaallaan isla meel. “Waxaa jira qeyb gaar ah oo loogu talagalay duulimaadyada rayidka, laakiin sidoo kale waxaa halkaas kasoo dega diyaaradaha militari,” ayay tiri, iyada oo xustay in ujeedada saxda ah ee weerarka aysan weli caddayn.

Dowladda Sudan ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii u kala gooshi jiray ama kasoo degi jiray Port Sudan – oo ah dekedda ugu weyn dalka tan iyo markii uu dagaalka billowday bishii Abriil 2023 – sida uu sheegay ilo-wareed u warramay wakaaladda wararka ee AFP.

Diyaarad rakaab ah oo Sudan leedahay ayaa lagu khasbay in loo leexiyo magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya kadib markii ay ku guuldarreysatay in ay ku degto garoonka Port Sudan, sida laga arkay xogta duulimaadyada ee Flightradar24.

Xogtaasi waxay muujisay in diyaaraddaas oo kasoo kacday garoonka caalamiga ah ee Dubai ay ku wareegtay Badda Cas, kadibna dib ugu laabatay dhanka Jeddah, halkaas oo ay ku degtey garoonka King Abdulaziz.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM