Sudan: RSF oo sheegatay inay si buuxda ula wareegtay magaalo u dhow xadka Itoobiya

Image

KHARTOUM – Ciidamada RSF ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen magaalada Geissan ee gobolka Blue Nile, oo ku taalla meel u dhow xadka Itoobiya, inkastoo ciidamada Sudan ay beeniyeen sheegashadaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalku weli ka socdo magaalada, isla markaana ay gacanta ku hayaan saldhig ciidan oo muhiim ah.

Dagaallada ayaa barakiciyay ku dhawaad 2,500 qof, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyadoo qaar ka mid ah dadka rayidka ah ay u gudbeen dhinaca Itoobiya si ay uga baxsadaan colaadda. 

Weerarka ayaa dhacay xilli beeralaydu ku jiraan xilliga goosashada, waxaana RSF iyo xoogag xulafo la ah lagu eedeeyay inay bililiqeysteen dalagyo iyo suuqa dhexe ee magaalada.

Geissan ayaa muhiimad istiraatiiji ah leh, maadaama ay ku dhowdahay xadka Itoobiya isla markaana ay saameyn ku leedahay waddooyinka sahayda ee gobolka, iyadoo sidoo kale u dhow waddada muhiimka ah ee ku xiran Biyo-xireenka Roseires.

Dowladda Sudan ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay fududeyneyso taageero milatari oo Imaaraadka Carabta uu siinayo RSF, eedeymahaas oo Addis Ababa ay hore u beenisay.

Falanqeeyayaal ayaa sheegay in furitaanka jiidan cusub oo dagaal oo Blue Nile ah uu noqon karo isku day lagu kala firdhinayo ciidamada Sudan, xilli ay guulo ka sameynayaan furimaha kale ee dalka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM

Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia oo lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran

Hay’adaha dowladda ayaa ku eedeeyay xisbiga Mundubile ee NRPUP inuu qorsheynayay kacdoon hubeysan, balse xisbigu si adag ayuu u beeniyay eedeymahaas.

  • Afrika

    30-08-2026

  • 10:57AM