Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Image

PORT SUDAN – Diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ayaa Talaadadii weerarro culus ku qaaday garoonka diyaaradaha iyo saldhig milatari oo ku yaalla magaalada xeebta leh ee Port Sudan, sida ay sheegeen saraakiil Sudaani ah. Tani waa maalintii saddexaad oo xiriir ah ee caasimadda kumeel-gaarka ah ee dowladda la beegsado, taasoo ah fariisinka ugu weyn ee ay ciidamada Sudan u guureen tan iyo markii dagaalku billowday.

Weerarradan cusub ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii xarun weyn oo shidaal ah oo ku taalla magaalada laga kiciyay, taasoo keentay dab weyn oo ka kacay koonfurta magaalada Port Sudan, oo muddo dheer u ahayd meel nabdoon oo ay ku barakaceen boqolaal kun oo qof oo kasoo cararay dagaalka labo sano jirsaday.

Wariye ka tirsan AFP ayaa soo sheegay jugag xooggan oo laga maqlay magaalada waaberigii Talaadada, iyadoo uuro madow oo cirka isku shareertay laga arkayay jihada dekedda iyo meel shidaal laga keydiyo oo koonfurta magaalada ah.

Mas’uul ka tirsan garoonka Port Sudan ayaa u sheegay AFP in mid ka mid ah diyaaradaha drones-ka uu si toos ah u beegsaday qeybta shacabka ee garoonka. Weerarkani wuxuu yimid labo maalmood kadib markii saldhigga milatari ee isla garoonka lagu qaaday weerar drone ah, kaasoo ay ciidamadu ku eedeeyeen xoogagga paramilitary-ga ah ee Rapid Support Forces (RSF).

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi – ayaa la hakiyay, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan garoonka.

Sidoo kale, diyaarad kale oo drone ah ayaa beegsatay saldhigga milatari ee ugu weyn magaalada, oo ku yaalla bartamaha Port Sudan, iyadoo markhaatiyaal sheegayaan in hoteel ku dhow saldhiggaas uu isna waxyeello soo gaaray.

Labada goobood ee la beegsaday ayaa u dhaw guriga uu daggan yahay Taliyaha Ciidamada Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan, oo dagaal culus kula jira ku-xigeenkiisii hore, Maxamed Xamdaan Daglo, oo ah taliyaha ciidamada RSF. Dagaalkooda ayaa billowday bishii Abriil 2023.

Weerar saddexaad ayaa sidoo kale lagu qaaday keyd shidaal oo ku dhow dekedda koonfureed ee magaalada, meel si aad ah u dadweyneyd, taasoo ay hadda deggan yihiin boqolaal kun oo barakacayaal ah iyo hay’adaha gargaarka, oo intooda badan kasoo guuray caasimadda Khartoum.

Goobjoogayaal ku sugan waqooyiga magaalada ayaa sheegay in ay maqleen rasaas ka timid qoryaha lidka diyaaradaha ee saldhig milatari oo halkaas ku yaalla.

Ciidamada RSF ayaa si isa soo taraysa u adeegsaday drones tan iyo markii laga saaray inta badan magaalada Khartoum bishii Maarso, iyagoo hadda weerarro ku qaadaya dhul ay ciidamada qaranka gacanta ku hayaan.

Qaramada Midoobay ayaa Isniintii sheegtay in weerarrada cusub ee RSF ay yihiin “horumar walaac leh” oo khatar ku ah badbaadada rayidka iyo howlaha gargaarka bani’aadannimo. Port Sudan ayaa ah marinka ugu weyn ee dalkaasi uu ku helo gargaarka, iyadoo ay ka jirto macluul ba’an oo saameysay ku dhowaad 25 milyan oo qof.

Qof safar ku sugnaa garoonka Port Sudan ayaa u sheegay AFP in "dhismayaal badan ay gubteen" kadib qarax ka dhacay garoonka, halka sarkaal ciidan uu xaqiijiyay in weerarka uu sidoo kale bartilmaameedsaday keydadka shidaalka ee garoonka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM

Madaxweyne Ruto: Muxuu Kaga Falceliyey Qof Kab Kaga Tuuray Goob uu Ka Hadlayey?

Hoggaamiyaha dhalinyarada Migori, Byron Oginga, ayaa isna sheegay in Madaxweynaha…

  • Afrika

    04-05-2025

  • 11:05PM