Suudaan: Al-burhaan oo kala diray Ciidamada RSF

Image

KHARTOUM, Suudaan - Hoggaamiyaha golaha Madaxbanaanida Suudaan Sarreeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan ayaa Arbacadii, soo saaray wareegto dastuuri ah oo lagu kala dirayo Ciidamada RSF.

Golaha Madaxbanaanida ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Al-Burhaan waxa uu faray taliska guud ee ciidamada qalabka sida, xoghaynta guud ee golaha madaxbanaanida iyo dhinacyada kale ee ay khusayso inay go’aanka dhaqan galiyaan.”

Waxa uu raaciyay, “Go’aankani waxa uu ku imanayaa cawaaqib xumadii ay ciidamadani ku kaceen dawladnimada, xad-gudubyadii waaweynaa ee ay muwaadiniinta u geysteen, iyo sida badheedhka ah ee ay u burburiyeen kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Waxa u intaass ku daray in Ciidamada RSF ay ku xad-gudbeen hadafkii, hawlihii loo igmaday, Mabaadi'da aasaaskooda oo ku jira Sharciga Ciidamada Taageerada Degdegga ah."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM