Suudaan iyo Imaaraadka oo eedeymo isku-dhaafsadey miiska Golaha Ammaanka

Image
Danjireyaasha labada dal u kala fadhiya Qaramada Midoobay ayaa shir xasaasi ah isku-weedaarsadey eedeymo culus.

NAIROBI, Kenya - Sudan iyo Imaaraadka Carabta ayaa dagaal afka ah uu ku dhexmaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib eedeymo ka yimid ergayga Suudaan u fadhiya Qaramada Midoobay ee ku saabsan in Imaaraadku uu hub iyo taageero siiyo Ciidamada Gargaarka Degdegga ah ee RSF ee dagaalka sokeeye ee 14-ka bilood ka socda dalkaas.

"Weerarrada milateri ee ay bilaabeen maleeshiyada Rapid Support, oo ay ku taageerayaan hubka Imaaraadku, waa mid si bareer ah oo si habaysan loola beegsanayo tuulooyinka iyo magaalooyinka," Safiirka Qaramada Midoobay ee Suudaan Al-Harith Idriss Al-Harith Mohamed ayaa u sheegay Golaha Ammaanka Talaadadii.

Isaga oo midba midka kale fadhiya miiska golaha ammaanka, ayaa safiirka Imaaraadka ee Qaramada Midoobay, Maxamed Abushaab waxa uu sheegay in ergayga Qaramada Midoobay ee Suudaan uu soo jeediyay "wax lagu qoslo" iyo eedeymo been abuur ah oo loogu talagalay in laga weeciyo "xadgudubyada waaweyn ee ka dhacaya dhulka."

Mareykanka ayaa sheegay in dhinacyada dagaallamaya ay galeen dambiyo dagaal, sidoo kale RSF-ta iyo maleeshiyaadka xulafada ah ayaa geystay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada iyo isir sifeynta.

Sudan ayaa waxaa hareeyay dagaal tan iyo bishii April 2023, markaasoo uu dagaal ku dhex maray ciidamada ugu weyn, oo uu hogaaminayay taliyaha militariga Abdel Fattah al Burhan, iyo RSF, oo uu taliye u ahaa ku xigeenkii hore ee Burhaan Hamdan Daglo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM