Taliyaha Ciidamada Niger oo faray ciidankiisa inay galaan heegan

Image

NIAMEY, Niger - Moussa Salou Barmo, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Niger ee ay soo magacaabeen hogaamiyayaashii afgambiga ku qabsaday dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii dalka looga ilaalin lahaa khataraha faragelinta militari ee kaga imaanaya ururka ECOWAS.

Salou Barmo waxa uu intaa ku daray in dhammaan ciidamada ay tahay inay sameeyaan dadaal iyo feejignaan, isaga oo sheegay in Niger ay la kulmeyso caqabado amni oo ay ka mid yihiin argagixisada iyo la dagaalanka dambiyada abaabulan ee heer caalami ah sida uu hadalka u dhigay.

Dabayaaqadii bishii Luulyo, xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada Niger ayaa ku kacay afgambi ka dhan ah madaxweyne Maxamed Bazoum, waxayna ku dhawaaqeen in la laalay dastuurka, lana sameeyay “Gole Qaran oo Badbaadiya Dalka”.

ECOWAS ayaa ah urur ay ku mideysan yihiin 11 dal, kaddib markii la xayiray kuraasta dalalka Guinea, Mali, Burkina Faso iyo Niger ee ururkaas, waxaana xusid mudan in afartan dal ay ku hanjabeen inay isaga baxayaan uruka haddii weerar lagu qaado Niamey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM