Taliyaha Ciidamada Niger oo faray ciidankiisa inay galaan heegan

Image

NIAMEY, Niger - Moussa Salou Barmo, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Niger ee ay soo magacaabeen hogaamiyayaashii afgambiga ku qabsaday dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii dalka looga ilaalin lahaa khataraha faragelinta militari ee kaga imaanaya ururka ECOWAS.

Salou Barmo waxa uu intaa ku daray in dhammaan ciidamada ay tahay inay sameeyaan dadaal iyo feejignaan, isaga oo sheegay in Niger ay la kulmeyso caqabado amni oo ay ka mid yihiin argagixisada iyo la dagaalanka dambiyada abaabulan ee heer caalami ah sida uu hadalka u dhigay.

Dabayaaqadii bishii Luulyo, xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada Niger ayaa ku kacay afgambi ka dhan ah madaxweyne Maxamed Bazoum, waxayna ku dhawaaqeen in la laalay dastuurka, lana sameeyay “Gole Qaran oo Badbaadiya Dalka”.

ECOWAS ayaa ah urur ay ku mideysan yihiin 11 dal, kaddib markii la xayiray kuraasta dalalka Guinea, Mali, Burkina Faso iyo Niger ee ururkaas, waxaana xusid mudan in afartan dal ay ku hanjabeen inay isaga baxayaan uruka haddii weerar lagu qaado Niamey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM