Taliyeyaal afgembiyay dalalkooda oo isbaheysi cusub sameystay

Image
Hogaamiyeyaasha militariga ee Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa dharbaaxo ku dhuftay ururka ECOWAS.

NAIROBI, Kenya - Shirka madaxda Galbeedka Afrika ayaa furmay Axaddii iyadoo ay jirto qalalaase siyaasadeed ka dib markii hogaamiyeyaasha militariga ee Niger, Mali iyo Burkina Faso ay sameysteen urur.

Saddexda dal ayaa ku dhawaaqay inay samaysanayaan urur cusub, waxaana kulankoodii ugu horreeyay ee ay ku gacan sayreen shirka ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika (ECOWAS).

Talaabadan ayaa waxay ka dhigan tahay imtixaan kale oo uu wajahayo urur goboleedka oo ay ka go’een horaantii sanadkan.

ECOWAS waxay durba la halgamaysaa rabshado ba'an, dhibaato dhaqaale iyo caqabadaha ururinta ciidan goboleed.

Ma cadda sida ay uga jawaabi doonaan kooxda la wiiqay ka dib markii Niger, Mali iyo Burkina Faso ay aqbaleen heshiis lagu dhisayo "Confederation of Sahel States" ee kadib kulan Niamey ka dhacay Sabtidii.

Dawladaha milateriga ee saddexdaas waddan ayaa xukunka ku qabsaday afgambi isdaba joog ah sannadihii u dambeeyay, waxaanay ku dhawaaqeen inay si wadajir ah uga baxeen ECOWAS bishii Janaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM