Taliyihii Ciidanka Kenya oo ku geeriyoodey shil diyaaradeed

Image
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa xaqiijiyey geeriida sarkaalkan iyo sagaal xubnood kale.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa xaqiijiyey in Taliyihii guud ee Ciidamadda dalkaas General Francis Ogolla uu kamid yahay sagaal ruux kale kuwaas oo saarnaa diyaarad helicopter ah kuna burburtay Galbeedka waddankaas.

Ruto oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Madaxtooyadd ee magaaladda caasimada ah ee Nairobi ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan ehelka iyo asxaabta sarkaalka geeriyoodey.

"Maanta abaare saacaddu markii ay ahayd 2:20pm qarankeena waxa uu la kulmay shil diyaaradeed oo naxdin leh, waxaana aad uga xumahay geerida Taliye General Francis Ogolla," ayuu Ruto u sheegay warfidiyeenka.

Ogolla ayaa waxa uu xilka taliyaha guud ee ciidamadda Kenya uu haayay muddo dhowr sano ah isaga oo sidoo kale horey usoo noqdey Taliyaha Ciidamadda Cirka ee Kenya.

Dhanka kale, Ruto ayaa isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka (NSC) oo kulan deg deg ah ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi, kadib markii ay burburtay diyaaradda galabnimadii Khamiista maanta ah.

Diyaaradda KDF, oo uu la socday Taliyaha Ciidamada Difaaca General Francis Ogolla, ayaa ku dhacdey xadka Kaben-Cheptulel ee u dhexeeya Elgeyo Marakwet iyo kowntiga Galbeedka Pokot.

General Ogolla waxa kale oo uu xubin ka ahaa Golaha Amniga Qaranka, oo ay ka sii kooban Madaxweyne Ruto, Madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua, Xoghayaha Golaha Wasiirrada Difaaca Aden Ducaale iyo sidoo kale dhiggiisa Arrimaha Gudaha Prof. Kithure Kindiki.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM