Tiradda dhimashada colaada Suudaan oo dhaaftay 500 ruux

Image
Dowladaha caalamka ayaa diblumaasiyiinta iyo muwaadiniintooda waxay kala baxeen guud ahaan dalkan gaar ahaan caasimada.

KHARTUUM, Suudaan - Tirada dhimashada ee iska horimaadyada socda ee u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogaga gurmadka degdega ah (RSF) ayaa gaartay 528, sidda ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Sabtidii.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 4,599 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen rabshadihii dhacay intii u dhaxeysay 15-kii Abriil ilaa 27-kii Abriil.

Wasaaraddu ayaa waxay mar sii horreysay sheegtay in tirada dadka ku dhintay rabshadaha socda ay gaarayaan 512, halka 4,193 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka, illaa 12 kamid ah 18-ka dowlad goboleed ee Suudaan waxaa ka dhacay isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Iska-hor-imaadyo soo cusboonaaday ayaa Sabtidii waxay dhex-mareen ciidamadda Suudaan iyo dagaalameyaasha RSF inkastoo xabbad-joojin saddex maalmood ah ay jirtay.

War qoraal ah oo ay soo saartay RSF ayaa lagu caddeeyay in ay ku soo rideen diyaarad milatari magaalada Omdurman oo ah magaalada mataanaha ah ee Khartoum.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidanka Suudaan oo ku aadan sheegashada. Dhanka kale, dowladaha caalamka ayaa diblumaasiyiinta iyo muwaadiniintooda waxay kala baxeen guud ahaan dalkan gaar ahaan caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM