Tobanaan ku dhintay qaraxyo tuxay Equatorial Guinea

Image

BATA, Equatorial Guinea – In ka badan toban qof ayaa ku dhintey boqolaal kalena waxaa soo gaarey dhaawacyo kadib qaraxyo is xigxigay oo xoog badan oo ka dhacay xero milatari oo ku taal magaalada ugu weyn dalka Equatorial Guinea ee Bata, sidda ay masuuliyiin dhowr ah sheegeen.

Bayaan uu ka akhriyey telefishanka qaranka ayuu madaxweyne Teodoro Obiang ku sheegay in qaraxyadii Axadii ka dhacay ay ka dhasheen dayacaad la xiriirta adeegsiga maado laga sameeyo qaraxyadda oo taalay xerada militariga. Ma bixin tafaasiil dheeriya oo ku saabsan maadada.

Obiang, oo xukumayay Equatorial Guinea ilaa 1942, wuxuu sheegay in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen 500 kalena ay ku dhaawacmeen.

Hadalkiisa ayaa yimid labo saacadood ka dib markii wasaaradda caafimaadka ay ku sheegtay Twitter-ka in 17 qof ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay dhinteen, halka tirada dhaawaca ay taagantahay 420.

Waxaa jirtay cabsi laga qabo in tirada dhimashadu ay sii kororto maadaama saameynta qaraxa ay aad u buurneyd.

Dhanka kale, danjiraha Faransiiska ee Equatorial Guinea, Brochenin Olivier, ayaa muujiyay "inuu ka tacsiyeynayo masiibadii ka dhacday Bata".

William Lawrence, oo ah diblomaasi hore oo Mareykan ah ahna Sarkaalka Amniga Gobolka Galbeedka Afrika, ayaa ku tilmaamay dhacdada "mid naxdin leh" wuxuuna xusay in Equatorial Guinea aysan diyaar u ahayn masiibo heerkaan ah.

Equatorial Guinea waa wadan yar oo ay ku nool yihiin ilaa 1.4 milyan, iyada oo dadka intiisa badani ku nool yihiin saboolnimo inkasta oo saliid badani ku jirto, hasa ahaatee, qorshe la’aanta dowladda iyo xiisado siyaasadeed ay sababeen in shacabkiisa aysan si saani ah uga faa'iideystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM