Tobanaan qof ay ku jiraan saxafiyiin oo loo xiray "isku-day afgembi"

Image
Dowladda federaalka Itoobiya waxay sheegtay in ay tahay in ay qaado "tallaabooyin adag" oo ka dhan ah "xoogagga xagjirka ah".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay xireen 47-qof oo isugu jira saxafiyiin iyo dad shacab ah oo la tuhunsan yahay "in ay fuliyeen fal argagixiso," sidda ay tabisay qeybta dibadda ee BBC-da.

Eedeysaneyaashan ayaa, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, waxaa kale oo loo haystaa in ay isku dayeen in ay afgambiyaan dowladda gobolka Amxaarada ee woqooyiga dalkaasi.

Xarigan ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Barwaaqo-sooranka ee haya talada dalka Itoobiya iyo ilaaladiisa lagu toogtay halkaasi.

"Dambiilayaashan oo ay aqoonsadeen laamaha amaanka iyo sirdoonka Itoobiya ayaa horay xabsiga loogu taxaabay ka hor inta aan la dilin," ayay saxaafadda kasoo xigatay saraakiil.

Warbixin ay soo saareen guddiga wadajirka ah ee federaalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday magaca 11 qof oo kale oo la raadinayo – oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo saxafiyiin caan ah oo fadhigoodu yahay gudaha iyo dibadda Itoobiya.

Dowladda federaalka Itoobiya waxay sheegtay in ay tahay in ay qaado "tallaabooyin adag" oo ka dhan ah "xoogagga xagjirka ah" ee ku sugan gobolka - taas oo dhalisay cabsi laga qabo in ay mar kale horseeddo rabshado kale.

Dilka sarkaalkan ka tirsan xisbiga barwaaqo sooranka ayaa yimid todobaadyo kadib markii ay dowlada federaalku ku dhawaaqday in ay kala dirtay ciidamo gurmad ah taasoo keentay mudaaharaadyo iyo rabshado baahsan oo ka dhacay gobolka Axmaarada.

Shaqsiyaad badan oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay dilaan mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda afar magaalo oo waaweyn oo ay ku jirto caasimadda Addis Ababa, ayaa sidoo kale la xiray billowgii bishii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM