Tuulo Kenya ku taala oo Al-Shabaab u diideen ciyaalki Iskuulada

Image

MANDHEERA, Kenya - Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Mandheera ee waqooyi Bari Kenya ay ku dhawaaqeen in xag-jirayaasha Alshabaan ay la wareegeen 60% (lixdan boqolkiiba) gobalka isla markaana ay xaaladu sii adkaanayso.

Tuulada Konton oo dhacda xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waajahaysa duruufo waxbarasho la'aan kedib markii dowlada Kenya ay horey ugu dhawaaqday in deegaanada xuduudka Soomaaliya ay isaga soo carari karaan cidii ay naftooda khatar ku galayso.

Magaaladaan oo ay ku yaalaa labo iskuulada kuwa hoyga leh ah "Boarding Schools" ayaan midkoodna lagu hoyan.

Jeylaani Cabdi oo kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay" labada Boarding School ayaan qabnaa hal habeen laguma hoyan".

Hal dugsi hoose ayaa ka shaqeeya magaalada taasi oo ka dhigaysa in caruurta marka ay dugsiga dhexe u gudbaan ay deegaanada kale u safraan taasi oo laga yaabo in qoysaskoodu aanay awoodin.

Dadka deegaanka ayaa fariin u diray masuuliyiinta la dokrtat ee ku matala golayaasha Kenya " kolka ay kuuraha raadinayaan meel walba ayay soo maraan hadda kii imaada xitaa Diyaarad ayuu ku yimid kuwa kale maba aysan noo imaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM