Uganda oo beenisay war ay ka faafisay Al-Shabaab
KAMPALA, Uganda – Dowladda Uganda ayaa beenisay warka kasoo yeeray taliska ciidamadda waddankaas ee ku saabsanaa in howlgal ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen 189 dagaalame oo ka tirsanaa maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.
Xukuumadda Kampala ayaa wararkaas waxay ku qeexdey "been abuur" shan maalmood kadib markii uu si weyn u faafay.
Uganda ayaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM waxay ku leedahay in ka badan shan kun askar ah isla markaana badankooda ay ku sugan yihiin goboladda Shabeellaha Hoose iyo dhexe ee koonfurta dalka.
Adonia Ayebare, danjiraha Uganda u fadhiya Qaramada Midoobay oo Twitter-ka kaga falceliyey qoraal uu soo dhigay Rashiid Cabdi oo ah falanqeeya arrimaha Geeska Afrika, ayaa qashinka ku daray dhawaqa taliska ciidamadiisa, wuxuuna dadka ugu baaqay in ay iska-indhatiraan.
Ayebare ayaa ku nuux-nuux-saday in ciidamadda dalkiisa ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay muhiim u yihiin nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
"Saaxiib Rashiid waxaan la hadlay hogaanka UPDF [Taliska Ciidamada Difaaca Dadka Uganda] sheegashadaas waa mid been abuur ah mana ahan sheegasho rasmi ah waana in aan ula macaamilnaa sidda ay tahay. Waad ku mahadsantahay in aad aqoonsatay naf-hurnimada UPDF iyo doorka Uganda ee AMISOM," ayuu hadalkiisa kusoo koobay diblumaasiga reer Uganda.
Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii taliska ciidamadda Uganda uu shaaciyey in howlgal ay ka fuliyeen degaanka Siigaale oo 62 mile u jira Muqdisho ay ku dileen 189 Al-Shabaab ah kana soo furteen hub. Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaan wali si deg-deg ah uga jawaabin hadalkaas.
GAROWE ONLINE