Uganda oo Ciidamo u Dirtay South Sudan Iyada oo Cabsida Dagaal Sokeeye Sii Kordhayso

Image

JUBA, South Sudan – Taliyaha Ciidamada Difaaca Dadweynaha ee Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa xaqiijiyay in ciidamo khaas ah loo diray caasimadda South Sudan ee Juba, si looga caawiyo dowladda Salva Kiir xasilloonida magaalada kadib khilaafaadka siyaasadeed ee sii kordhaya ee ka jira dalkaasi.

Jeneraal Kainerugaba ayaa sheegay in ciidamada khaaska ah ee Uganda ay ka caawin doonaan xasilinta caasimadda iyo sidii madaxweynaha Salva Kiir uu u ilaalin lahaa nidaamka dalka. Kiir ayaa wajahaya culeysyo siyaasadeed kadib dagaallo ka dhacay deegaano kala duwan oo dalka ah, kuwaas oo la xiriira khilaafkiisa la xiriira madaxweyne ku-xigeenka Riek Machar.

Riek Machar iyo Salva Kiir ayaa heshiis ku saxiixday sanadkii 2018 si ay uga wada shaqeeyaan ka dib dagaallo waaweyn oo soo jiitamayay oo ku saleysan qabiilka, hase yeeshee iskaashigooda ayaa dhibaatooyin kala duwan ka soo gaaray, iyadoo ugu dambeyntii ay dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada amniga ee dowlada iyo maleeshiyaad.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamo la geeyay South Sudan, isagoo sheegay in uusan shaacin faahfaahin dheeraad ah. Si kastaba ha ahaatee, wax jawaab ah kama aysan bixin dowladda South Sudan, laakiin markii dambe, Wasiirka Warfaafinta, Michael Makuei, ayaa sheegay in ciidamada Uganda aysan joogin Juba.

Xaaladda ammaanka ee South Sudan ayaa sii xumaanaysa, iyadoo dowladda Mareykanka ay sabtidii amar ku bixisay in dhammaan shaqaalaha aan degdegga ahayn ee dalkaasi laga soo saaro. Todobaadkii hore, taliyaha ciidamada iyo laba wasiir oo taageersan Machar ayaa la xiray sababo la xiriira xaaladda amni, hase yeeshee waxaa la sii daayay kadib markii xaaladdu isbedashay.

Xariga wuxuu ka dambeeyay dagaallo ka dhacay gobolka Upper Nile ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad loo yaqaan White Army. Wasiirradii la xiray ayaa la sii daayay, laakiin xaaladdu wali waa mid isbeddel badan oo aan la saadaalin karin iyadoo labada dhinacba ay ka shakiyeen midba midka kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM