Uganda: Wasiirad dacwad loogu soo oogayo "in ay xaday jiin-gado"

Image
Haweeneyda ayaa horey u dalbatay cafis maadaama ay qiratay in ay si xun u maamushay qeybinta agabkan.

KAMPALA, Uganda - Xafiiska dacwad-oogaha guud ee Uganda ayaa lagu wadaa in uu wasiir kusoo oogo dacwad ku saabsan xatooyada jiin-gado loogu talagalay in lagu caawiyo dad sabool ah oo ku nool gobolka waqooyi bari ee Karamoja.

Dacwad lagu soo oogo wasiirada loo heysto musuq maasuqa ayaa ah mid naadir ka ah dalka Uganda, halkaasoo ay joogto ka tahay ku takrifalka hantida iyo agabka dadweynaha.

Gobolka baadiyaha ah ee sohdinta la leh Kenya iyo Koonfurta Suudaan, Karamoja ayaa hoy u ah xoolo-dhaqato reer guuraa ah oo u nugul abaaro soo noqnoqda iyo dhaca xoolaha.

Booliska ayaa bishii Febraayo xiray saddex qof oo kamid ah qaraabadda Wasiirka Arrimaha Karamoja, Mary Goretti Kitutu. Eedeysaneyaasha ayaa gacanta lagu dhigay iyaga oo iibinaya jiin-gadaha.

Mary Goretti Kitutu ayaa horey waxay usoo noqotey wasiirka Tamarta iyo Horumarinta Macdanta ee Golaha Xukuumadda Uganda, laga bilaabo 14 Diseembar 2019 illaa 8 Juun 2021.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska New Vision ee ay dowladdu leedahay, jiin-gadaha waxaa ka muuqdey astaan ay kamid tahay in ay ku qoran tahay "Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha".

Xafiiska agaasimaha dacwad oogista ayaa xaqiijiyey inay Kitutu kusoo oogi doonan dacwad ku saabsan in uu leexiyey deeqdii "Barnaamijka Awood-siinta Bulshada Karamoja".

Kitutu ayaanan wali wax war ah kasoo saarin eedeymaha loo jeediyey. Iyadoo bishii hore ka soo hormuuqatay guddiga baarlamaanka, Mary Goretti Kitutu ayaa codsatay in la cafiyo maadaama ay si xun u maareysay qeybinta qalabka dhismaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM