Wadahadalo u bilawdey dhinacyada ay u dhaxeyso colaadda Suudaan

Image
Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa dhexdhexaadinaya dagaalkan illaa haatan galaaftey dad ka badan 500 ruux.

KHARTUUM, Suudaan - Magaalada Jidda ee xarunta Boqortooyada Sucuudiga waxaa gaaray Ergo matalaysa labada dhinac laf-dhabarka u ah colaadda nolosha badan galaafatay ee dalka Suudaan.

Afar xubnood oo milatariga matalaya oo uu ku jiro ergeyga gaarka ah ee hogaamiyaha ciidanka, danjire Dafcallaah iyo sadex sarkaal oo matalaya xoogaga RSF ayaa gaaray caasimada Sacuudi Carabiya.

Wararka soo baxaya ayaa xaqiijinaya in wada-hadalo horudhac ay u bilawdeen darafyadda ay dirirta ka dhaxeyso iyada oo ay garwadeen ka yihiin Sacuudiga iyo Maraykanka.

Dagaalada Suudaan ayaa sii holcaya iyada oo ururka dhakhaatiirta dalkaas uu xaqiijinayo in dhimashada rayidku ay gaartay in ka badan 500 oo qof, dhaawacana ka badan yahay kun qof.

Qaramada Midoobay oo war-saxaafadeedyo kala duwan soo saartey ayaa cod dheer waxay uga digtey in dad ku dhaw hal milyan oo qof ay barakici doonaan hadii aan la joojin dagaaladda.

"Maadaama dhinacyada mid walba wuxuu aaminsan yahay in uu kan kale uga adkaan karo ciidan ahaan waxay taas sii dheereynaysa mudada dagaalka," ayay tiri hay'adda sirdoonka Mareykanka.

Qaxootiga dibada u cararaya ayaa, sidda laga soo xigtey hay'adaha samafalka, isku-buuranaya xuduudaha Chad, Masar iyo Itoobiya oo ay dad gaaraya boqol kun ilaa hadda ay ka gudbeen.

Soomaalida ayaa kamid ahaa jaaliyadaha ugu badan ee ilaa hadda kasoo tilaabay xad waddanka Itoobiya iyaga oo caasimada Addis Ababa ay diyaarado uga soo rartay safaarada Soomaaliya ee dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM