Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Image

Bissau, Sebt 11 – Wafdi ka socday ururka gobolka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa ka baxay dalka Guinea-Bissau, iyagoo sheegay in Madaxweynaha dalkaasi, Umaro Sissoco Embalo, uu ku hanjabay inuu dalka ka masaafurinayo.

Wafdigan ayaa bishii hore loo diray Guinea-Bissau si ay gacan uga geystaan sidii loo gaari lahaa "is-afgarad siyaasadeed" oo ku saabsan hanaanka doorashooyinka sanadka 2025.

War kasoo baxay ECOWAS ayaa lagu sheegay in wafdigu uu diyaariyay “qoraal horudhac ah oo ku saabsan khariidadda doorashooyinka,” islamarkaana ay bilaabeen la-tashiyo ay la yeelanayaan dhinacyada siyaasadeed si ay u helaan oggolaanshahooda.

Si kastaba, wafdiga ayaa go’aansaday in ay si degdeg ah uga baxaan dalka subaxnimadii Sabtida, kaddib markii Madaxweyne Embalo uu ku hanjabay in uu dalka ka saari doono.

Wafdigu wuxuu sheegay inuu warbixintii dhacdadaas u gudbin doono Madaxweynaha ECOWAS, iyagoo sidoo kale diyaarinaya soo-jeedin ku saabsan heshiis lagu gaari karo doorashooyin nabdoon oo loo dhan yahay.

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS.

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Guinea-Bissau, iyadoo mucaaradku ay ku doodayaan in muddadii xilheynta Embalo ay dhammaatay toddobaadkii hore. Hase yeeshee, Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ayaa go’aamisay in muddo xileedkiisu uu ku egyahay 4-tii Sebtembar.

Doorasho guud oo la filayay in ay dhacdo bishii Nofeembar ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne Embalo dib u dhigay, isagoo dhawaan ku dhawaaqay in la qaban doono 30-ka Nofeembar ee sanadkan. Mucaaradku si adag ayay uga soo horjeesteen dib u dhacaasi.

Guinea-Bissau tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Portugal sannadkii 1974, waxa ay la daalaa-dhacaysay afgembiyo is-daba joog ah. Madaxweyne Embalo ayaa laftiisa waxaa lagu qaaday labo isku day afgembi, kii ugu dambeeyayna wuxuu dhacay bishii Diseembar ee 2023, taas oo keentay inuu kala diro baarlamaanka oo ay mucaaradku ku badnaayeen.

Khamiistii la soo dhaafay, mucaaradku waxay ku baaqeen shaqo joojin guud oo dalka dhan ah, iyagoo maalintaas ku tilmaamay in ay ahayd dhammaadka xukunka Embalo. Dowladda ayaa ku jawaabtay iyadoo ciidamo badan dhigaysa caasimadda.

Madaxweyne Embalo ayaa safar ku tegay Moscow maalin ka hor intii aysan bilaaban shaqo joojinta, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweyne Vladimir Putin si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM