Wasaaradda Waxbarashada Masar: Dugsiyada laguma xiran karo Indhashareerka

Image

CAIRO, Masar - Wasaaradda Waxbarashada iyo Farsamada ee dalka Masar ayaa soo saartay go’aamo dhowr ah oo la xiriira labiska dugsiyada, ka hor inta uusan bilaaban sanad dugsiyeedka cusub ee loo qorsheeyay inuu furmo 30-ka September.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in xijaabka uu yahay (ikhtiyaar), iyadoo la raacayo midabka ay doorteen agaasinka waxbarashada ee ay khusayso, balse waxaa la diiday in ay ardeydu xirtaan indha-shareer.

Wasaaradda waxbarashada Masar ayaa ku nuuxnuuxsatay in qofka masuulka ka ah ardeyga laga rabo in uu ka warqabo doorashada inantiisa, taas oo ku salaysan rabitaankeeda iyada oo aan cadaadis iyo qasab kaga iman cid kale.

Wasaaradda ayaa go’aankan sabab uga dhigtay in ay suurtagal tahay in qof kastaa uu ku dhuunto Indhasheerka kuna soo galo dugsiyada, isaga oo iska dhigaya ardeyda, taasoo albaabka u fureyso musumaasuqa ama in uu imtixaanka ka galo ardey kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM