Wasiirro ka tirsan Dowladda Ghana iyo lix kale oo ku dhintay shil diyaarad

Image

GHANA – Laba wasiir oo ka tirsan dowladda Ghana – Wasiirka Gaashaandhigga Edward Omane Boamah iyo Wasiirka Deegaanka, Sayniska iyo Tiknoolajiyadda Ibrahim Murtala Muhammed – ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo dhacay iyadoo ay la socdeen lix qof oo kale.

Taliyaha Shaqaalaha Madaxtooyada Ghana, Julius Debrah, ayaa Arbacadii shaaciyay in diyaaradda qumaatiga u kacda (helicopter) ee ay la socdeen mas’uuliyiintaasi ay ku sii jeedday magaalada Obuasi ee koonfurta Ghana, iyadoo ka duushay caasimadda Accra.

Shilku wuxuu ka dhacay degmada Adansi Akrofuom ee gobolka Ashanti, oo qiyaastii 270 kiiloomitir u jirta magaalada Accra.

Diyaaradda ayaa dab qabsaday kadib burburka, waxaana wali aan la shaacin sababta keentay shilka.

Saraakiisha militariga Ghana ayaa hore u sheegay in diyaaradda oo ay lahayd Ciidamada Cirka Ghana ay hawada gashay 9:12 subaxnimo xilliga maxalliga ah, balse si lama filaan ah ay uga go’ay xiriirkii ay la lahayd xarunta hagidda hawada.

Diyaaradda waxaa la socday siddeed qof oo ay ku jireen saddex shaqaale ah iyo shan rakaab ah – kuwaas oo ay ka mid ahaayeen labada wasiir ee xilligan xilka hayay iyo Wasiirkii hore ee Beeraha, Mohammed Muniru.

Mas’uuliyiintan ayaa ku wajahnaa munaasabad lagu daah-furayay barnaamij cusub oo iskaashi ku saleysan oo dhanka macdanta ah.

Dowladda Ghana ayaa billowday baaritaan rasmi ah si loo ogaado sababta keentay shilkan naxdinta leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM