Weerar Al Shabaab ka fulin lahayd Kenya oo la fashiliyay

Image

WAJEER, Kenya - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda amniga ay fashiliyeen weerar culus oo Kooxda Al Shabaab ay qorsheysay inay ka fuliso gudaha dalkeeda.

Weerarka Al Shabaab ayaa la fashiliyay kadib markii ciidamada difaaca Kenya ay kahor tageen dagaalyahano hubaysan oo isku dayay inay la wareegaan saldhiga military oo ku yaalla magaalda Wajeer.

Taliyaha Booliska degmada, Stephen Ngetich oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya dagaal qaatey Hal saac iyo bar ay xoogaga katirsan Al Shabaab kula galeen xerada militeri.

Ngetich ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in dagaalyahanada Al Shabaab ay weerarka soo qaadeen 8pm habeenimo, waqtiga geeska Africa, kaasi oo ka dhashay dagaal qaraar oo labada dhinac faraha uga gubteen.

Mintidiinta ayaa dib loo soo xiiray inta uu socday dagaalka, waxaana ay kusoo laabteen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaan ku yaalla xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay Ngetich.

"Waxaan sugaynaa xaqiijinta khasaaraha rasmiga ah ee waxyeellada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka," ayuu yiri Taliye Ngetich.

Al Shabaab dhankeeda kama aysan hadlin weerarka, oo qeyb ka noqonaya howlgallada ay kawado gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya, oo ciidamo markii usoo diray Soomaaliya 2011 la kulmay weeraro joogto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM