Weerar Al Shabaab ka fulin lahayd Kenya oo la fashiliyay

Image

WAJEER, Kenya - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda amniga ay fashiliyeen weerar culus oo Kooxda Al Shabaab ay qorsheysay inay ka fuliso gudaha dalkeeda.

Weerarka Al Shabaab ayaa la fashiliyay kadib markii ciidamada difaaca Kenya ay kahor tageen dagaalyahano hubaysan oo isku dayay inay la wareegaan saldhiga military oo ku yaalla magaalda Wajeer.

Taliyaha Booliska degmada, Stephen Ngetich oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya dagaal qaatey Hal saac iyo bar ay xoogaga katirsan Al Shabaab kula galeen xerada militeri.

Ngetich ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in dagaalyahanada Al Shabaab ay weerarka soo qaadeen 8pm habeenimo, waqtiga geeska Africa, kaasi oo ka dhashay dagaal qaraar oo labada dhinac faraha uga gubteen.

Mintidiinta ayaa dib loo soo xiiray inta uu socday dagaalka, waxaana ay kusoo laabteen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaan ku yaalla xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay Ngetich.

"Waxaan sugaynaa xaqiijinta khasaaraha rasmiga ah ee waxyeellada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka," ayuu yiri Taliye Ngetich.

Al Shabaab dhankeeda kama aysan hadlin weerarka, oo qeyb ka noqonaya howlgallada ay kawado gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya, oo ciidamo markii usoo diray Soomaaliya 2011 la kulmay weeraro joogto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM