Wiilka Museveni oo sheegay inuu u tartami doono madaxtinimada Uganda 2031

Image

KAMPALA, Uganda — Taliyaha ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa sheegay inuu u tartami doono xilka madaxweynaha dalka doorashada la qabanayo 2031.

Kainerugaba, oo 52 jir ah, ayaa muddo dheer loo arkayay inuu noqon karo qofka beddela aabbihii oo 81 jir ah, kaas oo dalka xukumayay tan iyo 1986-kii.

Kainerugaba ayaa sidoo kale caan ku ah qoraallada kulul ee uu baraha bulshada ku daabaco, oo ay ka mid yihiin hanjabaado uu hore ugu jeediyay hoggaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Taliyaha ciidamada ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii aabbihii dib loogu dooran lahaa doorashadii Janaayo, iyadoo ciidamada lagu eedeeyay inay cadaadis saareen mucaaradka, halka internet-ka dalka laga jaray xilliga doorashada.

“Waxaan u tartami doonaa xilka ugu sarreeya dalka 2031, waana guuleysan doonnaa, haddii Alle idmo,” ayuu Kainerugaba ku qoray barta X habeenkii Talaadada, isagoo taxane qoraallo ah soo dhigay.

Wuxuu intaas ku daray: “Anigoo haysta taageerada aabbahay weyn, Mzee, waxaan doorashada 2031 ku heli doonaa 90 boqolkiiba codadka,” isagoo adeegsanaya eray xushmad ah oo loogu yeero aabbihii.

Kainerugaba, oo hoggaamiya urur siyaasadeedka Patriotic League of Uganda, ayaa horay u sheegay inuu u tartami doono doorashadii Janaayo, balse ugu dambeyn wuu ka tanaasulay.

Museveni, oo hoggaamiya xisbiga talada haya ee National Resistance Movement, ayaa Uganda xukumayay tan iyo 1986. Mucaaradka ayaa dowladdiisa ku eedeeyay xadgudubyo kala duwan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid yihiin jirdil, afduubyo iyo xarig aan sharci ahayn. Dowladda Uganda ayaa eedeymahaas beenisay.

Hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka, Bobi Wine, ayaa horraantii sanadkan u baxsaday Mareykanka, isagoo sheegay inuu naftiisa uga cabsi qabay Uganda. Siyaasiga mucaaradka ee muddada dheer Kizza Besigye ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 2024, waxaana lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran ah.

Markii Reuters ay weydiisay in Madaxweyne Museveni uu mar kale u tartami doono madaxtinimada, afhayeenka dowladda Alan Kasujja ayaa sheegay in Museveni iyo xisbiga uu hoggaamiyo ay go’aankaas gaari doonaan marka waqtigu soo dhowaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM

Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia oo lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran

Hay’adaha dowladda ayaa ku eedeeyay xisbiga Mundubile ee NRPUP inuu qorsheynayay kacdoon hubeysan, balse xisbigu si adag ayuu u beeniyay eedeymahaas.

  • Afrika

    30-08-2026

  • 10:57AM