"Xaalada kasoo daraysa" ee Suudaan oo qaylo-dhaan laga soo saarey

Image
Diblumaasiyiinta reer galbeedka ayaa qoraal wadajir ah uga digay in ay faraha kasii baxdo xiisada haatan taagan.

KHARTUUM, Suudaan - Wakiillada Faransiiska, Jarmalka, Norway, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa walwal ka muujiyey xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo ciidamada gargaarka degdegga ah, ama RSF.

"Waxaan ugu baaqeynaa militariga Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha rayidka ah inay qaadaan tillaabooyin firfircoon si ay u yareeyaan xiisadaha," ayaa lagu yiri qayb ka mid ah bayaanka la sii daayay Khamiista.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Khamiista ayay ku xuseen: "Waxaan ku boorrinaynaa inay xajiyaan ballanqaadyadooda oo ay si hufan uga qayb-qaataan xallinta arrimaha taagan ee dib-u-habaynta hay'adaha amniga si loo dhiso mustaqbalka midaysan oo millatari oo lala xisaabtamo dowlad rayid ah".

Diblumaasiyiinta reer galbeedka ayaa si wada jir ah uga digay in xiisada sii xumaanaysa ay khatar ku tahay in la carqaladeeyo wada xaajoodyada lagu dhisayo dowlad ku meel gaar ah oo ay hogaamiyaan shacabka Suudaan.

Bishii la soo dhaafay, labada kooxood ee millatariga waxay ku heshiin waayeen waqtiga loogu talagalay in RSF-ta iyo kooxaha kale ee hubaysan ay ka mid noqdaan ciidan mideysan.

Tan iyo horraantii toddobaadkan, taangiyada ammaanka iyo kuwa milatariga ayaa lagu daadiyay agagaarka xarumaha muhiimka ah ee Khartoum, oo ay ku jirto madaxtooyada.

Arbacadii, boqollaal ka tirsan ciidamada RSF-ta ayaa gaaray deegaanka Merowe oo in ka badan 400 oo KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Khartoum, taasoo keentay in milatariga ay diraan ciidamo dheeraad, ayna codsadaan inay si degdeg ah uga baxaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM