Xiisadda Geeska Afrika oo cirka isku shareertay, Midowga Afrika oo war kasoo saaray

Image

ADDIS ABABA — Guddiga Midowga Afrika ayaa Itoobiya, Eritrea iyo Masar ugu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn, kaddib markii ay sii kordheen xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya saddexda dal.

Guddiga ayaa sheegay in dhammaan dhinacyadu ay muhiim tahay inay ka fogaadaan tallaabooyin ama hadallo sii hurin kara khilaafka, isagoo ku boorriyay dalalka inay muujiyaan dulqaad iyo masuuliyad marka ay wax ka qabanayaan arrimaha ay isku hayaan.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hababka diblomaasiyadeed, halkii laga qaadi lahaa tallaabooyin sii kordhin kara xiisadda. Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Xiisadda u dhexeysa Itoobiya, Eritrea iyo Masar ayaa kusoo beegantay xilli xiriirka dalalka gobolka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed. Arrimaha la xiriira amniga gobolka, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea iyo loollanka saameynta gobolka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafaadyadu saameyn ku yeeshaan xasilloonida Geeska Afrika.

Baaqan ayaa Midowga Afrika ku sheegay in waddada ugu habboon ee lagu yareyn karo xiisadda ay tahay in dhinacyadu si toos ah u wada hadlaan, ayna adeegsadaan kanaallada diblomaasiyadeed si loo xalliyo khilaafaadka jira.

Guddiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa xiriirka gobolka, loogana hortagi lahaa tallaabo kasta oo horseedi karta isku dhac ama xiisad hor leh.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar iyo Eritrea inay taageerayaan jabhadaha dalkaas ka dagalaamaya, si xukunka looga tuuro xukuumadda Abiy Axmed, waxayna Addis Ababa ka cayrisay diblomaasiyiinta dalalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM