Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo markale cirka isku shareeray sababo la xiriira webiga Nile
Qaahira, Masar – Xiisadda ka taagan isticmaalka biyaha webiga Nile ayaa mar kale cirka isku shareertay, iyadoo ay muuqato in xiriirka Itoobiya iyo Masar uu sii xumaan karo – xilli ay soconayaan dadaallo diblomaasiyadeed oo ay hormuud u yihiin Mareykanka iyo saaxiibada caalamiga ah si labada dal dib la isugu soo dhoweeyo.
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa si cad u sheegay in dowladdiisu ay difaaci doonto biyaha webiga Nile, isagoo digniin culus u diray cid kasta oo u maleyneysa in Masar ay iska indhatiri doonto xuquuqdeeda biyaha Nile. “Ciddii taas rumeysan waa ay si buuxda u qaldan tahay,” ayuu yiri Al-Sisi.
Intii uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qaahira isagoo la jooga Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, Al-Sisi wuxuu sheegay in qulqulka biyaha Nile uu saameyn ku yeesho isbeddelka deegaanka sida kaymaha, dhul-daaca, uumibaxa, iyo biyo-xireennada dhulka hoostiisa mara, taasoo keentay yaraanta biyaha gaaraya dalalka hoose ee webiga.
“Wax yar oo keliya ayaa ka mid ah biyaha oo gaaraya webiga Nile,” ayuu yiri, “Masar iyo Suudaan waxay wada helaan qiyaastii 85 bilyan oo mitir cubic ah – taasoo ah kaliya ilaa 4% biyaha guud.”
Al-Sisi wuxuu hoosta ka xariiqay in haddii laga tanaasulo difaaca xuquuqda biyaha Nile, ay taas keeni doonto in Masar wajahdo biyo yari baahsan taasoo si toos ah u saameyn doonta nolosha shacabka. Hadalladan ayaa yimid iyadoo Itoobiya ay dhisayso biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ku yaalla wabiga Nile.
Masar oo ah dal cimilo kulul leh, ayaa aad ugu tiirsan biyaha Nile si loo waraabiyo dhul-beereedka. Al-Sisi wuxuu arrinta biyaha Nile ku tilmaamay mid qeyb ka ah cadaadis siyaasadeed oo lagu saarayo Masar si looga helo danaha aan la xiriirin webiga Nile. Wuxuu intaas ku daray inuu diyaar u yahay difaaca biyahaas.
“Masar waxay kasoo horjeeddaa faragelin, burburin ama shirqoolo, balse waxay mudnaan siineysaa horumarka, dhismaha iyo midnimada qaaradda,” ayuu yiri madaxweyne Al-Sisi.
Dhismayaasha biyo-xireenka Itoobiya ayaa walaac xooggan ku abuuray dalalka ku yaalla dhulka wabiga Nile, iyadoo Masar iyo Suudaan ay si isdaba joog ah u eedeynayaan Itoobiya inay si halis ah u wiiqeyso helista biyo noloshooda ku tiirsan tahay.
Dowladda Masar ayaa isku dayday in ay khilaafka ku xalliso si diblomaasiyad ah, iyadoo Mareykanka uu si weyn uga shaqeynayo xal waara oo laga gaaro is-maandhaafka biyaha Nile.
GAROWE ONLINE