Xisbigii uu soo hogaamiyay Nelson Mandela oo la kulmay jab xooggan
CAPE TOWN, South Africa - Xisbiga uu mar hogaaminayay Nelson Mandela ayaa wajahay natiijadii ugu xumayd ee doorashada tan iyo markii uu dhamaaday midab-takoorka 30 sano ka hor.
Natiijooyinka doorashooyinka degmooyinka oo 99% lagu dhawaaqay ayaa muujiyay in xisbiga ANC uu haysto 40%. Tani waa hoos u dhac aad u daran tan iyo doorashadii hore markaasoo uu helay 58%.
Taas macneheedu ayaa waxay tahay inay awoodda uu la wadaagayo hal ama dhawr xisbi - wada xaajoodku ma noqon doono mid toos ah
Midig-dhexe.
Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance (DA) ayaa weli ah xisbiga labaad ee ugu weyn waxaana uu doorashadda ka helay codad wadartoodu ay gaareyso illaa 22%.
Xisbiga cusub ee MK oo uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee waddankaas Jacob Zuma ayaa ku jira kaalinta saddexaad isagoo helay wadar codadkoodu gaarayo 15%.
Madaxweyne Ramaphosa ayaan wali caddeyn mowqifkiisa natiijaddan. Saami qaybsiga kuraasta Golaha Shacbiga oo ka kooban 400 oo xubnood ayaa si toos ah uga tarjumaysa saamiga codadka.
GAROWE ONLINE