Xoogaga Azawad oo la wareegay magaalo istiraatiiji ah oo ku taal Mali

Image

BAMAKO, Mali - Dhaq-dhaqaaqyada hubaysan ee Azawad ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen magaalo weyn oo ku taal gobolka Azawad ee waqooyiga Mali, sida lagu sheegay bayaanka uu soo saaray afhayeen u hadlay.

Sida lagu sheegay bayaanka, howlgalka ay kooxdan ka fuleiyeen magaalada Bourem ee gobolka Gao ayaa ka dhashay inay qabsadaan fariisimo kala duwan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Mali iyo Wagner.

Madaxa dhaq-dhaqaaqyada hubaysan ee Azawad, Mohamed Mouloud Ramadan, ayaa ku celiyay baaqiisa ah in loo diyaargaroobo difaacidda dalka.

Shalay ayey ahayd markii Isbaheysi ka kooban kooxo hubeysan ay ku dhawaaqeen in ay isu diyaarinayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen taliska milatariga ee talada haya ee dalka Mali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM