Xuutiyiinta oo weerar noociisa aan horey loo arag ka fuliyay Badda Cas

Image
Afhayeenka Milliteriga Yemen ayaa si rasmi ah waxa uu u xaqiijiyey weerarkan naadirka ah.

NAIROBI, Kenya - Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar bambaano oo doon siday ku qaadeen markab ganacsi oo marayey badda cas, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Afhayeenka Milliteriga Yemen, Sarreeye Guuto Yahya Saree, ayaa xaqiijiyey mas’uuliyadda weerarka, isagoo ku tilmaamay markabka la beegsaday in uu ahaa Tutor oo ka babanaayay calanka dalka Liberia, balse laga leeyahay dalka Giriigga.

Waxa uu ku tilmaamay weerarkaasi in loo adeegsaday “Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn” iyo sidoo kale doonyo siday walxo qarxa si lamid ah gantaalaha ballistic-ga ah.

Xarunta hawlgallada ganacsiga badda ee millatariga Ingiriiska waxay tilmaantay in gantaalka uu markabka kaga dhacay dhabarka dambe ee markabka yar ee cadaanka ah ee koonfur-galbeed ka xiga magaalada dekedda ah ee Xuutiyiinta ay maamulaan ee Xudeyda.

Kabtanka "wuxuu ka warbixiyey in markabku uu kaliya waddo biyaha, oo uusan hoos imaanin amarka shaqaalaha," ayay UKMTO sidaas tiri war-saxaafadeed ay soo saartey.

UKMTO ayaa sidoo kale waxay "warbixnteeda si gaar ah ugu caddeysay in markabka uu mar labaad ku dhacay gantaal hawada laga saaray oo aan la garanayn cidda soo riday".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM