Zimbabwe: Mnangagwa oo la dhaarinayo maalinta Jimacaha

Image

Idaacada Dowlada ayaa sheegtey maanta in Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa la wareegi doono xilkii uu baneeyey Robert Mugabe.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa loo dhaarin doona xilka Madaxweynaha dalkaas Jimacaha, sidaas waxaa sheegey Idaacada Dowlada.

Idaacdaan ayaa sidoo kale sheegtey in Mnangagwa Dalka Zimbabwe dib ugu soo noqon doono maalinta Arbacada.

Mnangagwa ayaa dalka ka maqanaa tan iyo November 6, 2017 kadib markii Madaxweyne Mugabe xilka qaadey.

Mugabe ayaa xilka iska casiley Talaadadii lasoo dhaafey kadib markii cadaadis kaga yimid afgambi aan dhiig ku daadan ay ciidmada dalkaas sameeyeen.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM