​30 sano kadib Cayaar xilli Habeen ah lagu qabtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Cayaartu waxay maraysa xilli gabo gabo ah iyadoo tartamayaan degmooyinka Waabari iyo Hodon oo kasoo haray  17 kooxood oo kasocday gobolka Banaadir.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa soo buux dhaafiyay garoonka Koonis oo cayaartu iminka kasocota.

3:1 ayay maraysaa natiijada cayaarta, waxaana hogaaminaysa kooxda matalaysa degmada Hodon oo ku cayaaraysa 10 qof kadib markii Kaarka Cas uu qaybtii horeba qaatay mid kamid ah Cayaaryahanadeeda.

Guddoomiyaasha labada Degmo, Hodan iyo Cantoobo

Daqiiqado kooban ayaa ka haray in koobkan loo galbiyo degmada Hodon, waxaana si wadajir ah koobka u daawanaya guddoomiyaasha labada xaafadood ee lagu kala magacaabo Cantoobo iyo Rowdo.

Waa markii ugu horaysay muddo 30 sannadood ah oo xilli habeen ah cayaar Final ah lagu qabto magaalada Muqdisho oo haatan kasoo kabanaysa dagaallo iyo weeraro ku socday muddo kabadan Rubuc Qarni.

Cayaarta ayaa laga daawanayaa baraha bulshada iyo Telefishinada.

Garoonka Koonis oo dhawaan la dhigay Cagaarka Macmalka ah ayaa lagu xiray nalal iyadoo dib u hagaajin lagu sameeyay kahor inta aysan cayaartu ka bilaaban caawa.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka rajo wanaagsan oo kasoo iftiintay waddanka ay ragaadiyeen colaaduhu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM