Aabaha dhalay Neymar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Real Madrid

Image

Aabaha dhalay Neymar iyo madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa lasoo weriyay inay kulmeen, islamarkaana ay ka wada hadleen mustaqbalka ciyaariyahan Neymar ee Bernabeu.

Xagaagii lasoo dhaafay, Neymar ayaa ka soo wareegay Barcelona isagoo ku biiray Paris Saint-Germain lacag rikoorka adduunka ah ayuuna uga soo dhaqaaqay kooxda Barcelona lakiin waxaa jiray warar sheegaya in weeraryahanka uusan ku faraxsaneyn France.

Warar ayaa sheegaya in Real Madrid ay dalab rasmi ah ka gudbiyeen ciyaariyahan Neymar Diario Gol oo ah warside ka soo baxa Spain ayaa daabacay in wada hadalo ay u socdaan aabaha dhalay Neymar iyo madaxwenaha Real Madrid.

Real ayaa isku diyaarineysa inay bixiso lacag dhan € 250m si ay ula saxiixato 25 jirkaan, kaasoo dhaliyay 15 gool 18 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Paris Saint-Germain tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay garoonka Parc des Princes.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in isfahan darro labada dhinac ah ay jirto isla markaana la isku afgaran la,yahay in Neymar uu yimaado Bernabue 2019 iyo xiligaa ka hor uu soo caga dhigto caasimada Spain ee Madrid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM