AC Milan oo cayrisay Tababare Vicenzo Montella

Image

GO SPORTS - Kooxda kubada cagta ee AC Milan ayaa burisay tababarihii kooxdaasi Vicenzo Montella, waxaana badalkiisa loo magacabaay xidigii hore ee kooxda AC Milan Gennaro Gattuso.

AC Milan ayaa baraha ay ku leedahay Twitter-ka ku shaacisay in kooxda laga diray tababare Vicenzo Montella isla markaana macalinka cusub ee kooxdaasi uu noqon doono Gennaro Gattuso.

AC Milan shaqada ay ka cayrisay tababare Montella ayaa kusoo beegmeysa xili kooxdaasi xalay bar-baro goolal la’aan ah la gashay kooxda Torino kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga.

Gennaro Gattuso oo hada loo magacaabay tababaraha cusub ee AC Milan ayaa isna iska casilay maanta shaqadii tababaranimo ee uu ka hayay kooxda Primavera.

Vicenzo Montella ayaa kooxda AC Milan qabtay xili ciyaareedkii 2016 kahor sanado fara badan oo uu la soo qaatay kooxaha Roma, Catania, Fiorentina iyo Sampdoria oo guulo waaweyn uu ku hogaamiyay.

Mulkiilayaasha reer China ee AC Milan ayaa xagaagan lacago fara badan ku qarashgareeyay kooxdan oo ay ku soo biiriyeen ilaa 7 ciyaariyahan oo dhamaantood ku hungoobay in ay dib u soo nooleeyaan kooxda oo laga waayay masraxyada Yurub oo kooxdan aad looga garanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM

Cristiano Ronaldo oo Heshiis Laba Sano ah la Saxiixday Al-Nassr

Ronaldo ayaa dad badan u arkaan inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee kubadda cagta abid.

  • Cayaaraha

    27-06-2025

  • 07:06AM