Alexandre Lacazette oo dhaawac ku seegi kara kulanka Man United

Image

Tababaraha kooxda kubada cagta ee Arsenal Arsene Wenger ayaa ka cabasi qaba in weeraryahanka kooxdiisa Alexandre Lacazette uu seego kulanka sabtida ay la ciyaari doonaan kooxda Manchester United.

Lacazette ayaa xalay dhaawac gumaarka wuxuu ka soo gaaray kulankii kooxdiisa 5-0 ay ugu awood sheegteen kooxda dhawaan heerka labaad ka soo dalacday ee Huddersfield Town.

Lacazette ayaa kooxdiisa wuxuu xalay u dhaliyay goolka furitaanka laakin Laacibka qaranka France ayaa laga saaray ciyaarta kadib dhaawac ka soo gaaray gumaarka waxaana tababare Wenger badalka xidigan uu ciyaarta ku soo daray Olivier Giroud.

Wenger ayaa sheegay in dhaawaca Lacazette ee xiligan soo yeeray uu noqonayo aqbaar u xun kooxdiisa xili uu ku soo wajahanyahay kulan aad xasaasi u ah oo ay la qaadan doonaan kooxda Manchester United kulan ka tirsan horyaalka England.

Dhaqaatiirta kooxda Gunners ayaa la sheegay in baaritaan ay marsiin doonaan xidiga reer France iyagoo cadeyn doona heerka dhaawaca Lacazette uu gaarsiisanyahay iyo mudada uu xidigaasi taam u noqon karo in ciyaaro.

Arsenal ayaa xalay 5-0 waxay ugu adkaadeen kooxda Huddersfield Town ciyaar bandhig heer sare ah ay ka sameeyeen xidigaha gadoodka ka ah kooxda Gunners ee Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil.

Gunners ayaa kulankooda ugu soo horeeya waxay la ciyaari doonaan koooxda Red Devills oo haatan dib ay ugu soo laabteen tiro ciyaartooy ah waxaana kulankaasi sabtida soo aadan uu ka dhici doona garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM