Ciyaartooy Muslimiin ah oo loo diiday in ay soomaan [Akhri Sababta]

Image

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta dalka Masar Abo Rida ayaa sheegay in ciyaartooyda xulka Masar aysan soomi karin bisha Ramadaan ee soo aadan go'aankaasi ayaana salka ku haya ka qeyb galka xulkaasi ee koobka aduunka.

Abu Rida oo wareysi sii nayay wakaalada TASS ee dalka Ruushka ayaa sheegay in ciyaartooyda xulka oo sooma bisha Ramadaan marar badan xulka Masar ay guul darrooyin u horseedeen laakiin markan xiriirka ay kala hadli doonaan ciyaartooyda.

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Masar oo hadalkiisa sii watay ayaa xusay hadii ciyaartooyda ay joojiyaan cuntada iyo cabitaanka ay mar walba u nugul yihiin guuldarada isla markaana qasaaro xulka ay ka soo wajihi doonto.

Sidoo kale Rida ayaa sheegay in ay adagtahay in lagu soomo dalka Ruushka maadaama yuu yiri cimilada dalkaasi ay aad u qaboow u tahay isla markaana saacadaha la soomayo ay aad uga dheertahay saacadaha caadiga ah ee laga soomo dalka Masar.

Bisha barakeysan ee Ramadaan waa midkamid ah bilaha Islaamka waxaana guud ahaan bishaasi dunida muslimka ah aad looga dareemaa bisha Ramadaan maadaama Ramadanka uu kamid yahay tiirarka Islaamka.

Go'aankan ayaa waxaa aad kaga falceliyay qaar kamid ah ciyaartooyda safka koowaad ee xulka Faariciinta oo iyagu sheegay in Ramadaanku yahay waajibaad Allah uu saaray isla markaana ay si toos u gudan doonaan.

Xulka Masar ayaa waxay ku jiraan horinta A ee koobka aduunka ee 2018 waxaana ay horintaasi kula jiraan xulalka Saudi Arabia, Uruguay iyo Ruushka oo fidin doona gogosha koobka aduunka ee 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM