Ciyaartooyda Jubbaland oo 2-1 ugu awood sheegtay Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciyaartooyda maamulka Jubbaland ayaa waxay u soo bexeen wareega 5 dhamaadka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir kadib markii guuldarro ay gudoonsiiyeen ciyaartooyda maamulka Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiisa badan oo dhexmaray xidigahah Jubbaland iyo Galmudug ayaa daqiiqadihii loogu tala galay wuxuu ku soo idlaaday 2-1 oo ciyaartooyda Jubbaland ay guusha ku raacday.

Labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad loogu riyaaqay waxaana goolka ku hormaray xidigaha Jubbaland waxaana shabaqa Galmudug goolasha ku daah-furay ciyaariyahan Fuaad Maxamed oo xidigaha Jubbaland ka tirsan.

Fuaad Maxamed goolka uu galabta ka dhaliyay Galmudug waxa uu ahaa goolkiisii labaad ee tartanka uu ka dhaliyo waxaana goolka galabta uu dhaliyay uu yimid qeybtii hore ee kulanka.

Galmudug ayaa la timid goolka bar-barada qeybtii hore ee kulanka oo wali socda Cadnaan Xirsi Kaahiye laad xor ah ayuuna dhex-dhigay shabaqa Jubbaland isagoo noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee sanadkan tartanka maamul goboleedyada ka dhaliya laad xor ah.

Qeybtii koowaad ee ciyaarta ayaa sidaasi ku soo idlaata mana jirin maamul ciyaarta gool looga horkcayay oo waxaa lagu kala nastay iyadoo laiska dhaliyay 1-1.

Markii la isku soo laabtay labada dhinac waxay sameeyeen fursado aad halis u ah laakiin la iskama dhalin waxaana ay sameeyeen badalo labada dhinac laakiin dhinacna kuma guuleysan in ay la yimaadaan goolka labaad.

ugu danbeytii ciyaartooyda Jubbaland ayaa waxay heleen goolkoodii labaad ee kulanka daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta ayuuna yimid goolkooda labaad oo badalay guud ahaan jawiga garooonka.

Ciyaarta ayaa sidaais ku soo idlaatay waxaana 2-1 ay guusha ku raacday ciyaartooyda Jubbaland halka tartanka ay isaga hareen ciyaartooyda Galmudug oo labo guuldarro la kulmay 2 kulan oo ay la ciyaareen gobolka Banaadir iyo Jubbaland.

Guusha Jubbaland galabta ay gaareen ayaa uga dhigan in ay ka soo bexeen horinta A isla markaana ay u soo bexeen wareega 4 dhamaadka ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Isku aadka wareega 4-dhamadka tartanka:

Banaadir vs Puntland

Koonfur Galbeed vs Jubbaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM