Ciyaartoyda Manchester United oo waji-gabax kula laabtey England

Image

GO Sports: Ciyaartoyda kooxda kubada cagta ee Manchester United ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay dalka England kadib safar dheer oo maalin ka hor ay ku tageen Switzerland.

Kooxda Manchester United ayaa xalay kulan aad u xiisa badan waxay la ciyaareen kooxda FC Basel, laakiin United-ka ayaa la soo laabatay guuldarro xanuun badan kadib markii 1-0 loogu awood sheegtay.

Dhamaan xidigaha kooxda Manchester United iyo xubno ka tirsan kooxda ayaa waxay ka soo dageen Garoonka diyaaraha ee magaalada Manchester.

Sawiro laga soo qaaday ciyaartoyda xiliga ay joogeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Manchester ayaa wajiyadooda laga dheehan karay guuldarada qaraar ee xalay kasoo gaartay kulankii FC Basel.

Mourane Fellaini ayaa kamid ahaa ciyaartooyda kasoo muuqday sawirada isagoo madaxiisa hoos u dhigaya guuldarrada ay lasoo kulmeen awgeed.

Manchester United ayaa xalay kulan aad xasaasi u ah waxay la qaateen kooxda FC Basel laakiin kooxdaasi ayaa ku hungowday in ay u soo baxaan wareega 16-ka ee Champions league.

Manchester United ayaa u baahan 1 dhibic oo qura si ay ugu soo baxaan wareega 16-ka ee Champions league waxaana kulanka 6-aad ee Champions league ay la balansanyihiin kooxda CSKA Moscow.

Manchester United ayaa Garoomada ku soo laaban doonta sabtida oo ay la ciyaari doonaan kooxda Brighton iyo Hove Albion kulan ka tirsan horyaalka England.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM