Ciyaaryahano caan ah oo guursaday sanadkan 2017 [Magacyadooda]

Image
Image
Image
Image

Sanadka sii dhamaanaya ee 2017 waxaa jira ciyaartooy fara badan oo guursaday isla markaana nolol cusub bilaabay waxaana warbixintan aan ku soo gudbin doonaa 5 ciyaartooy oo guursatay sanadkan dabayaaqada ku dhaw ee 2017.

Lionel Messi

Mucjisada gaaban ee Barcelona iyo Argentina Lionel Messi ayaa30kii June ee sanadkan guursaday Antonella Racuzza oo tiro caruur ah u heysa waxaana guurkooda uu ahaa mid taariikhi ah maadaama caruurnimo ay isku calmadeen.

Phi Jones

 

Kadib sanado fara badan oo haasaawe iyo xiriir jaceyl ay soo wadeen daafaca Manchester United iyo xulka England Phil Jones iyo Kaya Hall ayaa is guursaday 16kii June 2017 waxaana xaflada arooskooda ka soo qeyb galay wajiyo caan ah oo ciyaara kubada cagta.

Alvaro Morata

Weeraryahanka La Roja iyo Chelsea Alvaro Morata ayaa bilo uun ka hor ku biiristiisii Chelsea la aqlgalay gabadha ka soo jeeda Talyaaniga ee Alice Campello waxaana guurkooda uu ka dhacay magaalada Venice ee dalka Talyaaniga.

Antonio Greizman

Gool dhaliyaha heerka caalami ee France ayaa kamid ah ciyaartooyda guursatay sanadka sii dhamaanaya ee 2017 waxaana uu bishii May ee sanadkan guursaday gabadha lagu magacaabo Eriks Choprena oo hada hal cunug u heysa.

Chris Smalling

Daafaca England iyo Manchester United ayaa 21kii July ee sanadkan sii dhamaanay guursaday gabadha Moodalka ah ee Sam Cooke waxaana uu guurkoodu ka dhacay harada Lake Como oo ku talla dalka Talyaaniga.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM