France iyo Portugal oo caawa cayaarta finalka isku arkaya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

PARIS- Waxaa caawa cayaarta kama dambaysta koobka qaramada qaaradda Yurub ee Euro 2016 isku arkaya labada xul ee France iyo Portugal, waxayna wada dheeli doonaan cayaarta kama dambaysta ah oo ka dhacaysa magaalada Paris gaar ahaa garoonka Stade de France.

Kulankan ayaa leh xiiso gooni ah, waxaana aad loo hadal hayaa xidiggaha labada qaran ugu saamaynta badan ee Ronaldo iyo Greizmann, waxayna cayaartoodii ugu dambaysay kusoo badiyeen min 2 gool iyo eber.

Ammaanka magaalada Paris, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka muhiimka ah la dhoobay in ka badan 5,000 oo boolis ah, iyadoo laga cabsi qabo weeraro ay fuliyaan kooxaha argagixisada iyo qalalaaso ka dhasha taageerayaasha labada waddan.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa markale soo  xushay shax anu waxba ka badalin waana kulankii saddexaad oo uu ku ciyaaro shax isku mid ah. Waxaana sidii la filayay weerarka France markale hogaamin doona Antoine Griezmann iyo Olivier Giroud. Samuel Umtiti oo kulankii Germany qaab ciyaareed cajiib ah soo badhigay ayaa difaaca dhexe kala ciyaari doona Laurent Koscielny.

Difaaca dhexe ee xulka qaranka Portugal ee Pepe oo kulankii afar dhamadka dhaawac ku seegay ayaa kulankan taam buuxa u noqday wuxuuna ku soo bilawday shaxda Portugal. Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa laba isbadal ku sameeyay shaxdii kulankii Wales, Pepe ayaa badalay Bruno Alves halka William Carvalho uu badalay Danilo.

Xulka Portugal oo ay ugu dambeysay Finalka 2004, xilligaasoo lagu marti gelinayay dalkooda waxaa koobka ka qaaday xulka Greece, balse waxay doonayaan 12 sano ka hor taariikhdii ku qabsatay Lisbon inay ku ilaawaan Paris.

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM