Giggs oo shaaciyay in uu doonayo Shaqada Macalinimo ee Wales

Image

Halyeygii hore ee kooxda Manchester United Ryan Giggs ayaa la soo warinayaa in uu xiiseenayo in uu noqdo tababaraha cusub xulkisia Wales kadib Chris Coleman.

Giggs ayaa ku soo biiray liiska macalimiinta loo saadaalinayo hogaaminta xulka qaranka Wales oo hada aan tababare heysan waxaana jira macalimiin kale oo shaqadan lala xiriirinayo.

Isagoo la hadlayey Sky Sports, Giggs wuxuu yiri: "Dabcan waan xiiseynayaa, waxaan u ciyaaray Wales waxaanan sheegay inaan doonayo inaan ku laabto anigoo tababare ah sida iska cad waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu sareysa.

"Qofna lama hadlin hadda, laakiin runtii waan xiisenayaa."

Giggs oo 12 gool u dhaliyay xulkiisa Wales 64 kulan oo uu ka soo muuqday ayaa leh qibrad macalinimo isagoo Manchester United soo leliyay 4 kulan oo Premier League sanadii 2014 ayuuna isaga fariistay ciyaaraha kubada cagta.

Ninkan reer Wales ayaa lala xiriirinayay dhowr kooxood sanadkii hore, waxaana uu si cad u sheegay inuu xiiseynayo doorka tababaraha ee kala duwan. Waxaa la wareystay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaana uu sheegay in uu jecelyahay in uu noqdo macalin kooxeed.

Giggs ayaa ka maqan shaqada macalinimo tan iyo markii uu ka tagay Old Trafford xagaagii 2016, isagoo dhameystay 29 sano oo uu kooxda la joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM