Hordhaca Kulanka Arsenal iyo Manchester United

Image

Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa caawa kulan aad u xiisa badan ku wada ciyaari doona garoonka Emirates ee kooxda Arsenal.

Kulankan ayaa kamid ah kulamada 15-aad ee todobaadkan laga ciyaariyo horyaalka Premier League Manchester United ayaa caawa u baahan in ay guul ka gaartod Gunners oo Emirates ku ciyaari doonta.

Arsenal ayaa 12-kii kulan ee ugu danbeysay ay ku ciyaareen gurigooda Emirates aan dhibco qasaarin iyagoo caawa hadii ay garaacaan Red Devills soo gaabin doona farqiga dhibcaha ay ka hooseyaan Manchester United.

Wararka labada kooxood

Manchester United ayaa kulanka caawa suura gal ay tahay in ay waayaan xidiga qadka dhexe ee qaranka Serbia Nemanja Matic oo dhaawac uga baxay ciyaartii Watford.

Maroune Fellaini ayaa isna si rasmi ah u seegi doona kulanka kooxdiisa ay caawa Emirates ay kula ciyaari doonaan Arsenal isagoo qaba dhaawac horay u soo gaaray.

Arsenal ayaa si rasmi waxaa kulankan kaga maqnaan doona ciyaariyahan Alexandre Lacazette oo dhaawac uu soo gaaray kulan kooxdiisa bartamaha isbuucii la soo dhaafay ay la ciyaartay kooxda Huddersfield Town.

Alexis Sanchez ayaa si buuxda ugu diyaarsan in uu caawa ka hortago kooxda Manchester United isagoo bandhig wanaagsan ka sameeyay kulankii bartamaha isbuuca kooxdiisa ay ciyaartay.

Shaxda macquulka ah ee Arsenal:Cech; Koscielny, Mustafi, Monreal; Bellerin, Ramsey, Xhaka, Kolasinac; Ozil, Giroud, Alexis Sanchez

Shaxda macquulka ah ee Man United: De Gea; Young, Rojo, Smalling, Valencia; Pogba, Matic; Rashford, Lingard, Mata; Lukaku

Xogta kulanka

Kulanka: Arsenal vs Man United

Horyaalka: Premier League

Waqtiga: 8:30

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoorka: Andre Marriner

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM