Hordhaca kulanka xiisaha badan ee Puntland iyo Koonfur Galbeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Galabta waxaa garoonka Banaadir Stadium kuwada ciyaari doona ciyaartooyda maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland waana kulan ka tirsan ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankan oo ah mid xasaasiya ayaa waxa uu ka tirsanyahay horinta B waana kulamadii labaad ee horinta B laga ciyaarayo sidoo kale kulankan waxaa lagu go,aamin doonaa kooxda koowaad ee ka soo baxda horinta B.

Ciyaartooyda maamulka Koonfur Galbeed waxay ciyaarayaan kulankii labaad ee guud ahaan tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka waxay horay guuldarro gudoonsiiyeen ciyaartooyda Hirshabelle kulan ku soo idlaaday 1-0 oo xidigaha Koonfur Galbeed ay guusha ku raacday.

Xidigaha matalaya maamulka Puntald ayaa iyaguna kulankan waxa uu kaga dhiganyahay kulankii labaad oo ay ciyaarayaan horay waxay bar-baro 3-3 ah la dhaafi waayeen ciyaartooyda Hirshabelle kulan aad laisugu rafaaday oo ka dhacay Banaadir Stadium.

Hadii galabta guul ay gaaraan ciyaartooyda Koonfur Galbeed waxaa gabi ahaan tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaaddir macsalaameyn doona ciyaartooyda maamulka Puntland maaadaama 2 kulan ay 1 dhibic kasbadeen waa hadii galabta ay dharbaaxo kala kulmaan dhigooda Koonfur Galbeed .

Ciyaartooyda Puntland ayaa sanadkan waxay bandhig aan looga baran la yimaadeen ciyaaraha soconaya waxaana taasi loo sababeeyay in xidigo Puntland kula soo guuleystay koobka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir sanadkii la soo dhaafay aanay sanadkan qeyb ka ahayn ciyaartooyda maamulka Puntland.

Ciyaartooyda gobolka Banaadir ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee lababada horin ee tartanka xaqiijiyay in ay u soo gudbeeb wareega 4 dhamaadka tartanka maadaama ay guulo ka soo qaateen ciyaartooyda Galmudug iyo kuwa Jubbaland oo horinta A kula mideysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM