Horudhaca kulanka Galmudug iyo Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulanka ay wada ciyaari doonaan labadan kooxoodwuxuu ka tirsanyahay horinta A oo ay ku wada jiraan kooxahan waana kulankii lagu go,aamin lahaa kooxda labaad ee ka soo baxda horinta A.

Ciyaartooyda gobolka Banaadir ayaa noqday kooxdii ugu horeysay ee xaqiijisa in ay u soo baxeen wareega 4 dhamaadka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Xidigaha Gobolka Banaadir ayaa sandkan qaab ciyaareed aad loogu riyaaqay waxay ku bilaadeen ciyaaraha soconaya waxaana ay soo dar-dareen ciyaartooyda maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo horinta A ay ku wada jireen.

Tababaraha ciyaartooyda maamulka Galmudug Xasan Cali Rooble (Babaay) ayaa sheegay in ciyaartooydiisa kulankan ay aad ugu diyaarsanyihiin laakiin waxa uu xusay in ciyaarta uusan ka hor dhici doonin.

Galabta kulanka dhacaya Jubbaland iyo Galmudug dhinacii dhagta dhiiga loo daraa guud ahaan tartanka ayuu macsalaameyn doonaa waxaana xusid mudan in wareega 4 dhamaadka horinta A ay ku matali doonaan ciyaartooyda gobolka Banaadir oo horay u soo baxay iyo kooxda galabta adkaata.

Ciyaarta ayaa waxaa la baasan doonaa galabta 3:30 waxaana la filayaa in ay ka soo qeyb galaan jamaahiir fara badan oo u sacab tumi doona dhinacyada garoonka ku hardami doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM