Horudhaca kulanka Xiisaha badan ee Puntland iyo Gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Garoonka Banaadir Stadium dagmada Cabdulcasiis ee gobolka Banaadir ayaa galabta marti galin doona kulan ciyaareed aad u xiisa badan oo u dhexeeya ciyaartooyda maamulka Puntland iyo kuwa gobolka Banaadir.

Kulankan waa furitaanka wareega 4 dhamaadka tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaana kulanka ugu horeeya galabta is arkaya xulalka gobolka Banaadir iyo maamulka puntland.

Ciyaartooyda gobolka Banaadir waxay ku soo bexeen kaalinta koowaad ee horinta A iyagoo aan dhibic qura soo qasaarin waxaana marxalada horinta ay ka soo ciyaartay laba kulan oo ay ka adkaatay ciyaartooyda maamulada Jubbaland iyo kuwa Galmudug.

Si lamid ah ciyaartooyda Puntland oo difaacanaya tartanka wali ma aysan qasaarin 3 dhibcood laakiin laba kulan oo ay la soo ciyaareen Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed waxay soo galeen bar-baro galabta ayeyna mari doonaan tijaabada ugu culus ee tartanka.

Tartanka ayaa soo gaaray qeybihii ugu xiisaha badnaa waxaana bilaaban doona kulamada bug-baxda oo koox walba ooh al kulan qasaarta ayaa tartanka macsalaameyn doonta.

Ciyaartooyda gobolka Banaadir ayaa sanadkan garoomada waxay la yimaadeen bandhig aan horay looga baran mana jirto hal dhibic oo ay qasaariyeen tan iyo bilawga tartanka halka ciyaartooyda Puntland ay iyaguna sameynayaan bandhig bar-baro ku saleysan oo aan guul lahayn waxaana ay dhamaan kulamada sandkan ay ka ciyaareen tartanka ay soo galeen bar-barooyin.

Dhinacii galabta libinta raacda waxay si toos ah isaga xaadirin doonaan kama danbeysta ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaana ay kama danbeysta ku sugi doonaan dhinacii soo adkaada midkood Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo iyaguna kulan xiisa badan uu dhexmarayo maalinimada Jimcada ah ee soo aadan ayaa lagu wadaa in tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM